Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo golaha Ammaanka ka dalbaday in taageero militeri lala gaaro dowladda KMG.

Halkaan ka akhri

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya Dr. Augostin Mahiga oo warbixin ka siinayay Golaha Ammaanka kulan uu xalay ku yeeshay Magaalada New York ayaa sheegay in Xaalada Soomaaliya ay qatar ku sugan tahay.

Sidoo kale Dr. Augostin Mahiga ayaa Sabab uga dhigay dalabka uu ka codsaday Golaha Ammaanka in taageero milateri oo dheeraad ah la siiyo Dowladda KMG iyo Ciidamada AMISOM waayo waxaa xilligan soo wajahay dagaalo iyo iska caabino ay kala kulmayaan Xoogaga kacdoonka wada ee Islaamiyiinta.

Dhanka kale Wakiilka wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la taageero qorshaha Midowga Afrika ku doonayo in 20-kun dheeraad ah oo Ciidamo u diro Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo istiraatiiji ah.

Hase yeeshee Kulanka Golaha Ammaanka oo ay xaadir ku ahaayeen 15-ka dal ee codka qayixan ku leh Golaha ayaa waxaa soo jeedinta Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey ka jawaabtay Haweeneyda danjiraha u ah Mareykanka Susana Rice oo sheegtay inay ka fiirsaneyso Mareykanka taageerada dheeraadka ah.

Balse sida uu sheegay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban KI-Moon ayaa ku dhawaaqay shir gaar ah oo uu ka dhinac furayo midka sanadlaha ah ee dhowaan uga furmi doono Hogaamiyayaasha dalalka Qaramada Midoobey ku jira, kaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

SomaaliSwiss     New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: