Dagaal iyo duqeymo Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo geystay khasaare badan.

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shalay  ay ka dhaceen  magaalada duqeymo culus oo Ku dhowaad ay ku dhimateen 15-qof, 50 qof kalena waa ay ku dhaawacmeen, taasoo aheyd tii ugu khasaaraha badneyd todobaadkan.

Saraakiisha caafimaadka ee ka howl gela Isbitaalada ayaa sheegaya in  la dhigay goobaha lagu dhabiiba dhaawac gaaraya ilaa 45-qof oo rayid ahaa, kuwaasoo oo ku soo waxyeeloobay Madaafiicdii shalay lala beegsaday qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir gaar ahaan Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa ka soo hrjeeda ayaan u aaba yeelin dadka rayidka, waxaana ay isugu dareen Madaafiicda Mortarka, kuwooda gumaadka geysta, gaar ahaan Madfaca loo yaqaano BM-ka oo ay ku garaaceen meelaha Mucaaradka ay ku dhuumaaleysanayaa ee dadka rayid ah ay degen yihiin.

Duqeyntii shalay ka dhacday mahaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay socotay muddo ku dhow saacad oo ay isu jawaabayeen dhinacyada dagaalka ka dhexeeyey , hase ahaatee waxaa lagu soo warramay in Kooxaha ka horjeeda Dowladda ay  weeraro hoobiyeyaal ah ku qaadeen Xarunta Baarlamaanka oo shir uga socday Xildhibaanada iyo Xarunta Madaxtooyada.

Si kasta ha ahaatee ilaa iyo hadda ma jiraan war ka soo baxay Dowladda KMG iyo AMISOM, iyo  kuwa Mucaaradaya duqeyntii shalay, ha yeeshee qeybaha bulshada ayaa cambaareeyay duqeymahaas arxan darada ee loo geystay dadka maatada ah oo korkooda lagu dagaaltamaya.

SomaaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: