Xildhibaanada Baarlamanka oo kalfadhi aan caadi ahayn maanta ku yeeshay xarunta golaha Shacabka, iyo Sh. Shariif oo ka qayb galay.

Halkaan ka akhri

Xildhibaanada Baarlamanka KMG Soomaaliya ayaa maanta kalfadhi aan caadi ahayn ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, waxaana kulankaas ka qayb galay Madaxweyne Sheikh Shariif, wuxuuna qudbad dheer u jeediyay Xildhibaanadii  kulankaas joogay, hase yeeshee waxaa kaloo halkaas la keenay warqad jawaab celin ah oo ka timid Ra’iisul-wasaare Cumar C/rashiid. 

HALKAN KA DHAGEYSO KHUDBADDA MADAXWEYNAHA

Kalfadhigan ay xildhibaanada Baarlamanka KMG Soomaaliya ku yeesheen xarunta golaha Shacabka ayaa waxaa shir gudoominayay ku xigeenka 1-aad ee Baarlamanka KMG Soomaaliya, waxaana soo xaadiray 305 xildhibaan iyo Madaxweynaha.

Sida lagu soo warramay waxaa Kalfadhiga furey gudoomiye ku xigeen koowaad ee Baarlamanka KMG Soomaaliya, wuxuuna sheegay in madasha kulanka ay xaadir ku yihiin Xildhibaano kor u dhaafayay 305, sidaasi darteedna Kooramka mudanayaasha Baarlamanka uu yahay mid buuxa.

Kadib waxaa makaroofanka lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed, wuxuuna halkaasi ka jeediyay qudbad dheer oo laga dheehan karay hadalo aad u ad-adag, kuwaas oo uu ku dalbanayay in loo baahan yahay in dalka Soomaaliya isbadal dhinac walba ah laga sameeyo.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliya ay soo mareen xukuumado kala duwan isla markaana intii uu xilka hayay dhowr jeer xukuumada lagu sameeyay isku shaandheyn dhinaca golaha wasiirada ah, waxaana uu tilmaamay in taasi aanay waxba ka badalin xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Sheikh Shariif oo hadaladiisa ay u muuqdeen kuwa uu ku doonayay in isbadal lagu sameeyo xukuumada uu hogaamiyo Cumar C/rashiid ayaa sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday gudiga madaxa banaan ee dhawaan soo bandhigey qoraalka qabyada ah ee dastuurka Soomaaliya, waxaana uu madaxweyne Sheikh Shariif sheegay in gudigaasi aanay aheyn kuwa sharci ah maadaama aysan ansixin Baarlamanka KMG Soomaaliya.

Madaxweynaha marki uu dhameeyey Khudbadiisa kadib ayaa Xildhibaanada waxaa loo qeybiyay Mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra’isal wasaare Cumar C/rashiid oo ay ku saxiixnaayeen 111 xildhibaan kuwaasi oo dalbanayay in xukuumadda la horkeeno Baarlamanka, si codka kalsoonida loogu qaado.

Dhanka kale waxaa Gudoonka Baarlamanka KMG Soomaaliya la soo gaarsiiyay warqad jawaab celin ah oo ka timid Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya, taas oo uu ku sheegayay in xukuumadiisu aysan marnaba hortagi doonin Baarlamanka.

Sidoo kale warqadda ka soo baxday Ra’isal wasaaraha ayaa looga soo horjeestay hadal Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya uu ka hor sheegay Xildhibaanada Baarlamanka kaasoo ku aadanaa in aysan sharci ahayn Gudiga Madaxa banaan ee Dastuurka Soomaaliya, waxaana Ra’isal wasaare Cumar C/rashiid uu ku adkeystay sharcinnimada gudigaasi Dastuurka sameeyay.

HALKAN KA DHAGEYSO KHUDBADDA MADAXWEYNAHA

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: