Mr. Joseph Deiss oo Shalay la wareegay Xilka ugu sarreya ee golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

Mr. Joseph Deiss oo ka mid ahaan Jiray Toddobada Ruux ee ugu Sarreysa dalkan Switzerland ayaa 11kii bishii Juun ee kal hore loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Hase yeeshee  Joseph Deiss ayaa la sheegay in Shalay oo ku beegan bisha  settembre 14keeda 2010ka uu si rasmi ah ula wareegay Madaxtannimada Golaha Guud ee QM, wuxuuna guddoomin doonaa Kulanka Golaha Guud ee dhici doono 20-22ka  settembre, kulankaas oo loogu hadli doono Hadafka  Millenniumka.

Sida la wada ogsoon yahay Joseph Deiss ayaa  Sanadka markuu ahaa 2004ta uu Wadanka Switzerland ka soo qabtay Jagada Madaxweyninnimada kaltanka Konfederaalka Switzerland, islamarkaas  ahaa Wasiirrka Arrimaha Dibadda ee Wadan Switzerland, hase ahaatee Joseph Deiss wuxuu ku guuleysta inuu dalkiisa u soo jiido Sharaf weyn ee Caalami ah.

Talaadada soo socota  ayaa Xarunta Qaramada Midoobay uu ka furmi doonaa Kalfadhigii 65aad ee Golaha QM oo looga hadli doono Hadafka  Millenniumka oo ah sidii loo dabar-goyn lahaa Faqriga ka jira Caalamka ee la doonayo in loogu baxo iSanadka Markuu yahay 2015ka.

Khudbaddii Furitaanka ahayd ee Madaxweyne Joseph Deiss ayuu wuxuu ku caddeeyey  in Goluhu uu noqon doono Gole Wax qabadkiisu ay muuqdaan oo Awood u leh howlaha loo egmaday marka loo eegoXallinta xaaladaha kala duwan ee Caalamka ka jira, gaarhan ayuu in Caalamka lagu soo celiyo kala danbeyn iyo Is Maqal.

Mr. Joseph Deiss wuxuu khudbadiisu ku soo gabagabeeyey in dhiniciisu ay wax walba ay Ilbaabadu ka furan yihiin, balse wuxuu Xubnaha ku Casumay inay ka gudbaan xiqdiga iyo xaasidnimada, lagana shaqeeyo Wanaaga Bani`aadannimada.

Ugu danbeyntii Joseph Deiss wuxuu sheegay in Goluhu uu waxba qaban Karin, haddii aan 192ka Waddan ee ku bahoobay Golaha Guud ee QM, ay si wadajir ah u shaqeynin.

Mr. Joseph Deiss oo la hadlayey Warbaahinta Swissinfo wuxuu yiri: “ Kaalinteyda waa isku xirka howlaha ay qabanayaan Xubnaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, si ay u fududaadaan una socdaan Howlaha iyo Kulumada wadamada Xubnaha ka ah iyo Uruurinta ra`yigooda.

Madaxa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay  Mr. Joseph Deiss ayaa la sheegay inuu dàdiisu tahay 64 Sano jir ah, wuxuuna khabiir ku yahay Aqoonta Siyaasadda, waana qof waddanka Switzerland ku soo hoggaamiyey inay ka mid noqota Qaramada Midoobay Sanadka markuu ahaa 2002

Si kasta ha ahaatee Kaalinta Xoghayaha guud ee  Golaha Qaramada Midoobay ayaa ah inuu hubiyo (garantire) in si sax ah ay u dhacayaan shirarka iyo Kulumada Golaha Guud waa si uu qabo Mr. Joseph Deiss, balse haddii ay dhacaan ràyi kala duwanaan waa inuu Xoghayuhu uu baaritaan u gala sidii hal meel la isugu keeni lahaa Fikradaha kala duwan.

SomaliSwiss  Swissinfo

Tarjume Dr. Axmed Dhicisow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: