IRAN oo ku mashquulsan arimaha dalka Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta oo taas uga jawaabay ballan qaad Lacageed.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dalka Iraan Mahamoud Ahmadinajaad ayaa sheegay inuu aad u danaynayo isla markaana jeclaan lahaa inuu arko xiriir adag oo dhex mara wadankiisa iyo wadanka Soomaaliya oo uu sheegay inay isaga mid yihiin jeclaanta ku dhaqanka sharecada islaamka.

Ahmadnajaad oo Tehran kulan kula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Yuusuf Xasan Ibraahin (Yuusuf dheeg) ayaa carabka ku dhuftay in Soomaaliya ay leedahay dhul istaraatiiji u ah wadamada Caalamka oo dhan, sidaasi darteedna aysan isaga macquul uula muuqan in goobahaasi ay gacanta ugu jiraan wadamada reer galbeedka oo uu sheegay in aysan weligood raalli ka noqonayn wadan ku dhaqma shareecada Islaamka, sida wadankiisa oo kale.

Sida ay ku warrantay wakaala wararka ee FARS News Agency, Mr. Ahmedinajaad ayaa muujiyay inuu aad u jeclaan lahaa inuu arko dalka Soomaaliya oo noqda sida dalka Iran oo isku xukuma shareecada Islaamka.

Dhinaca kale wadamada carabta oo tan iyo shirkii dowladda Soomaaliya loogu soo dhisay wadanka Kenya ka caga jiidaysay in ay taageerto dowlad Somaliyeed oo ay taageersan yihiin wadamada IGAD, ayaa isla maanta shir deg deg ah isugu yeertay wakiilada wadamada Carabta si ay go’aan deg deh ah uga gaaraan arrinta Soomaaliya, waxaa ayna shirkooda kadib isku raaceen in wadanka Soomaaliya ay siiyaan bil kasta 10 Milyan oo doollar oo wax looga qabto xaaladda Ammaan ee dalka.

Jaamacadda Carabta oo horey u diiday baaqyo ay u dirtay dowladda Soomaaliya, isla markaana markii ugu dambaysay madaxweyne Sheikh Shariif uu u diray warqad qoraal ah oo uu ugu sheegay in Soomaaliya ay ka noqotay dhamaan wixii ay kaalmo waydiisatay carabta, kadib markii ay Jaamacadda Carabta ugu soo jawaabtay si aan munaasib ahayn, ayaa hadda u muuqata in ay ka jawaabayaan dalabkii horey ay dowlada Soomaaliya ugu jeedisay.

Sida uu xaqiijiyay wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta Danjire C/llaahi Xasan, Shir ay berri isugu imaanayaan wasiirada arrimaha dibadda ee jaamacadda carabta ayaa lagu ansixin doonaa soo jeedintii safiirada Jaamacadda Carabta ee ahayd in Soomaaliya lasiiyo dhaqaalahaas oo noqon doona mid bil kasta la bixiyo, inkastoo aysan cadayn in taasi tahay ballan qaad ku salaysan xaalad abuur si Soomaaliya looga mashquuliyo inay xiriir layeelato dalka Iraan oo aysan jeclayn inta badan wadamada Carabta, gaarahaan kuwa Khaliijka.

Dowladda Iraan iyo Wadanka Eritrea ayaa lagu eedeeyaa inay iska kaashadaan kaalmaynta ururada xagjirka ah ee kasoo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya iyo joogitaanka ciidamadaAMISOM.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: