Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo Maanta howlgalo ka fuliyay wadada Ex-Koontarool ee aada degmada Afgooye.

Halkaan ka akhri

Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa saakay howlgalo baaritaano ah ka sameeyay Ex koontarool Afgooye oo ah bar koontarool oo ay ciidamada gaadiidka BL-ka iyo kuwa xamuulka qaada maraan.

Maxamd Axmed Guuleed oo ah Taliyaha Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee Ex Koontarool ayaa sheegay howlgalka saaka in uu yahay mid ay ku baadi goobayeen dad ay sheegeen in ay ku lug lahaayeen qarax shalay ka dhacay degmada Hodon.

Darawalada gaadiidka BL-ka ee wadadaas isticmaasha ayaa sheegay  in ciidamada ay hakad geliyeen gaadiidka BL-ka ah, isla markaana dhalinyarada ay ka shakiyaan kala dagayay gaadiidka.

Hase yeeshee ma ahan markii ugu horaysay oo ay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya howlgalo baaritaano ah ka sameeyaan wadada Ex koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: