AL-SHABAB IYO MARAAKIIB DAGAAL OO KU HARDAMAY DEKADDA MAGAALADA MARKA.

Halkaan ka akhri

Xeebta magaalada MARKA ee gobola Shabeelada Hoose ayaa maanta waxaa soo istaagay maraakiib waaweyn oo ah nuuca diyaardaha dagaalka xambaara, kuwaas oo aan la garan ujeedada ay ugu soo dhowaadeen xeebta dekadda magaalada Marka, iyadoo muuqalkooda laga arkayay gudaha magaalada.

Maraakiibtaas oo ay dadka dhulka jooga arki kareen in ay nuuc dagal yihiin iyo diyaaradaha dul saaran ayaa shaki wayn iyo qal qal ku beeray xarakada Al-Shabaab oo gacanta ku haysa maamulka gobolkaais iyo meelaha u dhowba, iyagoo taas uga jawaabay inay ku tuuraan madaafiic, hase yeeshee maraakiibta ayaa iyaguna ku jawaabay madaafiic kale.

Intii ay iswaydaarsanayeen madaafiicda ayaa waxaa la arkayay maraakiibta oo ay ka duulayeen diyaarado kala duwan iyadoo la arkayay diyaardaha qumaatiga u kaca iyo miigag si dhaqsi leh uga kacayay dusha maraakiibtaasi isla markasna meel sare ka waardiyaynayay.

Maraakiibta noocaas ah ayaa inta badan kusoo dhowaada xeebaha iyo meelaha ay ka ilaalinayaan dhaq dhaqaaqyada horjoogayaasha sare ee Al-Shabaab, gaar ahaan kuwa Ajnabiga ah ee ka bar bar dagaalama Al-Shabaab, waxaana gobolkaas ay sanadkan bilowgiisa diyaaradaha Maraykanka ay ku dileen ninka lagu magacaabi jiray Salah Nabhaan oo ay duqeeyeen diyaarado kasoo kacay maraakiib dagaal oo kawan oo kale ah.

SomaliSwiss Marka

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: