Waa side xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Waxaa lagu soo waarramayaa in magaalada Muqdisho ay saakay waaberigii ka qarxeen dagaalo iyo duqeymo culus oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG oo taageero ka helaya ciidamada AMISOM iyo Xarakada Alshabaab in ay ka socdaan dhanka waqooyiga Muqdisho.

Sida warku nagu soo gaaray Degmooyinka Boondheere, Shibis, C/casiis iyo xaafado kale oo ka mid ah dhanka Waqooyiga Muqdisho ayaa laga soo sheegay in sida roobka ay uga dhacayeen madaafiic culus iyo hubka sida daran dooriga ah u isticmaalayaan labada dhinac.

Hase yeeshee warar ayaa sheegaya in duqeymihii xalay ay ku habsadeen meelo ka baxsan goobaha dagaalada ka socdaan, waxayna sababeen dhaawacyo fara badan oo ay ku jiraan caruur.
 
Xilliga markuu ahaa Abaarihii 1-dii saq dhexe ayaa la sheegay in Madfac ku soo dhacay agagaarka Shineemo Cabdi Waayeel ee ku taala degmada Huriwaa, waxaana ku dhaawacmeen  lix caruur ah, waxaana dhaawacyadaas  loola soo cararay Isbitaalka Dayniile.
Sidoo kale waxaa meelaha qaarkood laga soo sheegayaa inay dad ku dhinteen, sida degmooyinka Xamar weyne iyo Xamar Jajab oo rasaas habow iyo madaafiic xalay maqribkii dad ku dishay.

Balse waxaa la sheegayaa in dadka ku nool degmooyinka dagaalada culus ka socdaan inay soo wajahday xaalado cabsi ah,waxayna dadka farakutiriska ah ee ku soo haray degmooyinkaasi ay saaka bilaabeen in ay barakacaan.

Si kasta ha ahaatee Dowladda KMG iyo Mucaaradka ka soo horjeeda ayaan wali ka hadlin dagaaladii xalay iyo kuwa saaka socda, balse waa hubinti inay jiraan khasaare intaas ka sii badan oo soo kala gaaray ciidamada labada dhinac iyo dadka Rayidka ahba.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: