Madaxweyne Shariif oo ay kursigii la rideen gudoonka Baarlamaanka iyo Ra’isul Wasaare Cumar C/Rashiid

Halkaan ka akhri

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa si isku mid ah afka carro uga shubay madaxweynaha Somaliya Shariif sheikh Axmed oo isaguba doonayay inuu midkood ka taqaluso, ka dib markii ay si isku mid ah beesha caalamka ugu sheegeen inay isaga mowqif yihiin waxyaabo badan oo ka mid ah talada iyo siyaasadda dalka Soomaaliya ee xilligaan.

Waxay tooshka ku ifiyeen in Madaxweyne shariif Sh.Axmed uu kaligiis meel cidlo ah taagan yahay oo aysan jirin cid laqabto aragti-yadiisa siyaasadeed markii la eego arrimaha manta taagan gaarahaan Dastuurka qabyada ah iyo sida loo meel marinayo.

Warqado isku si u qoran laakin la kala bedalay xafiisyada ay kasoo baxeen ayey u kala direen Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif xasan sheikh Aden& Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid Xafiisyada arrimaha Soomaaliya ee Qaraamada Midoobay, waxeyna kaga cosdsadeen in laga caawiyo sidii Dastuurka qabyada ah loo ansixin lahaa ka hor bisha February sanadka 2011-ka, iyadoo aan loo marin afti dadweyne, waxaana arrintaasi ku raacay afhayeenka Baarlamaanka oo sidaasi oo kale warqad uu u qoray Hay’adda UNDP ku codsaday in gacan laga siiyo ansixinta Baarlamaanka ee dastuurka cusub, iyadoo aan afti loo qaadin.  Halkaan hoose Eeg warqadda Gudoonka Baarlamaanka oo kaabaysa tii uu hore u qoray wasiirka 1-aad

Qoraalo ay gooni-gooni ugu direen Cumar C/rashiid iyo Shariif Xasan beesha caalamka Hey’adaha UNDP & UNPOS ayey ku dalbadeen in dhaqaale loo oggolaado ay ku kala furdaamiyaan sidii Dastuurka looga ansixin lahaa Baarlamaanka & tiro ay diyaariyeen oo isugu jirta Bulshada Rayidka, Odayaasha Dhaqanka, Ururada Haweenka & Dalada Culumaa’udiinka, waxeyna isku aragti ka noqdeen in aan loo qaadin afti dadweyne Dastuurka qabyada ah.

Warqadda Raysulwasaaruhu qoray ujeedadeedu waxay aheyd in xukuumadda FKMG ay Qaramada Midoobey ka dalbanayso in laga caawino sidii looga gudbi lahaa nidaamka “Ku meel gaarka”, iyo sidii dastuurka cusub loo ansixin lahaa, waxana uu xoogga saaray sidii loo dhaqan gelin lahaa Dastuurka cusub, iyadoo aan loo qaadin Afti dadweyne, waxaana taas bedelkeeda uu dalbaday in laga caawiyo sidii dastuurkaasi ay u ansixin lahaayeen Baarlamaanka iyo tiro Baarlamaanaka la’eg oo ah bulshada rayidka ah.

Sida ku cad qoraalka Cumar Cabdirashiid waxa uu arrintaas ka yiri “Ansixinta Dastuurka waxaa ku cad in lagu ansixiyo afti guud oo dadweyne, laakiin xaaladda ammaan iyo siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya waxay ka dhigeysaa mid aan suurtagal ahayn in xaaalaadda jirta awgeed la qabto afti dadweyne, sidaas daraadeed waxaan raadinaynaa hab taas bedelkeeeda ah oo si dimoqraadi ah loo ansixiyo dastuurka, kaddibna la sameeyo dowlad cusub ee dastuurkaas hoos timaada, markii aan si aad ah u laafa gurnay oo daraasad ku samaynay waxay xukuumadda iyo baarlamaanku go’aansadeen in dastuurka lagu ansixiyo nidaam ah xubnaha Baarlamaanka iyo tiro la’eg oo ah bulshada rayidka ah, waxaana yoolkayagu yahay in dastuurka la ansixiyo ugu dambeyn Feruary 2011-ka,” ayu yiri Cumar C/rashiid. Halkaan ka dhegayso waraysigii raysulwasaaraha ee uu ku sheegay inuu jiro khilaaf isaga iyo madaxweynaha ah

Qodoabka labaad ee Warqadda ra’iisul wasaaraha Dowladda KMG waxa uu xoogga saaray sidii dowladda cusub loogu soo dhisi lahaa nidaam aan toos ahayn, ka hor inta aan lagaarin xilliga uu xukuumadda Federaalka xilku kaga egyahay oo ah August 2011-ka, qodobkaas waxa uu ku xusay in loo baahan yahay in nidaam aan tooska aheyn ee xukuumadda cusub lagu soo dhisayo in lagu qoro dastuurkan cusub.

Dhinaca kale afhayeenka Baarlamaanka Dowladda KMG Shariif Xasan Sh. Aaden ayaa ku xoojiyey labadii qodob ee Cumar C/rashiid warqadiisa ku qoray ee ahaa in dastuurka cusub la ansixiyo, iyadoo aan loo marin afti dadweyne, balse ay ansixiyaan xildhibaanada Baarlamaanka iyo tiro la’eg oo ka socota bulshada rayidka ah ka hor Febraayo 2011. Sidaas oo kalena inta aan la gaarin Agoosto 2011-ka, iyadoo la marayo nidaam aan toos ahayn la soo dhiso dowlad {Indirect means of selection}, nidaamkaas cusubna lagu qoro dastuurka.

Madaxweynaha KMG wuxuu hore u diiday fikirka ay qaban labadaan mas’uul ee taladu kala dehxeyso wuxuuna laba maalmood ka hor soo saaray war saxaafadeed uu ku sheegay sida ay ula muuqato ee laga yeelayo xeerkaan qabyada ah, taas oo ay ku cadayd inaysan u cuntamin aragtida labadaan mas’uul,hase yeeshee waxaa taas ka horeeyay waraysiyo iyo warqado uu diray wasiirka koowaad, kuwaas oo u muuqda hadda inuu taageero uga haystay gudoonka baarlamaanka.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: