Hub aad u fara badan oo isugu jiray noocya kala duwan oo ku keydsanaa Bakhaarada dowladda KMG Soomaaliya oo lalà yahay.

Halkaan ka akhri

Waxaa soo if baxaya warar sheegaya in lalà yahay hub ay lahayd dowladda KMG Soomaaliya oo ay taageero ahaan uga heshay Dowladda Maraykanka in laga waayey Bakhaaradii ay ku keydsanaayeen hubkaasi.

Warkan oo ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Sheikh Shariif Sh. Axmed loo gudbiyey warbixin la xiriirta in laga waayay keydka Bakhaarada hubka dowladda KMG Soomaaliya, hub faraha badan, sidaas darteed waxaa la sgeegay in Madaxweyne Sheikh Shariif uu si aad ah uga carooday arrintaasi, isagoona ka cabsi qaba in hubkaasi dhanka Al-Shabaab iyo Xizbul Islaam loo iib geeyay.

Illaa iyo iminka kama aysan hadlin arinkaas saraakiisha ciidamada Militariga iyo Booliska, waxaana loo malaynayaa in hubkaasi ay iibsadeen Saraakiil katirsan dowladda KMG iyo ciidamadooda, maadaama aysan heysan dhaqaale ay ku maareeyaan noloshooda.

Si kasta ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee hub culus iyo kuwo fudud ay leedahay dowladda KMG, laga waayo bakhaarada keydka hubka ah, waxaana dhowr jeer dowladdu ay qabatay gaadiid hub u siday dhanka kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya, xili dagaalada Muqdisho ay sii xoogaysanayaan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: