Halkaan ka akhri
Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay xalay iyo saaka aroortii hore dagaalo geystay khasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac, waxaana xalay  laga seexan waayey hugunka madaafiicda iyo dhawaaqa hubka culus.
Xalay oo ahayd 27da ramadaanka, ahna habeen aad loo qiimeeyo ayaa Dagaalada Magaalada Muqdisho la hakin, wuxuuna bilowday xalay cabaarihii saqda dhexe, wuxuuna u dhaxeeyey Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Xarakada Alshabaab, dagaaladaas oo ay ka dhaceen degmooyinka Hodon, Howlwadaag iyo Boondheere oo ah degmooyinka Magaalada Muqdisho isku horfadhiyaan labada dhinac.
Hase yeeshee dadka ku dhaawacmay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho waxaa daadgureynta dhaawacyadooda  ka qeyb qaatay gaadiidka Gurmadka deg dega ah, waxaana la dhigay goobaha caafimaadka Magaalada.
Si kasta ha ahaatee dagaaladan ayaa waxay saamayn ku yeesheen dadka fara ku tiriska ah ee wali ku harsan degmooyinka dagaalada ka socdaan ee magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss  Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.