SAXAAFADDA PUNTLAND OO SANADKAN 2010-KA AY U NOQOTAY SANAKA MURUGADA.

Halkaan ka akhri

Waxaa iska caadi noqotay gudaha dalka Soomaaliya in saxafiyiinta loo geysto dilal, hanjabaadyo iyo xarigyo ka dhan ah shaqadooda saxaafadeed, in kastoo cambaarayn kasta oo la jeediyo aysan dheg jalaq u siin kooxaha ama maamulada caadaystay howlahaasi.
 
Dowlad goboleedka Puntland oo aheyd gobol amaan ah marka loo eego gobolada kale ee dalka ayaa u muuqata markan in saxaafada ay ku soo food saartay dhibaato hor leh oo ka imaanaysa maamulka iyo gacmo kale.
Hadii aynu soo qaadano dhowaan ayey ahay markii magaalada Bosaso xarig loogu geystay Wariye C/fitaax Jaamac Mire oo ahaa agaasimihii Idaacada maxaliga ah ee Horseed Media oo ka howl gasha Bosaso, agaasime C/fitaax ayaa maxkamada darajada koowaad ee gobolka bari ay si deg deg ah ugu xakuntay 6-sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 500$.
Eedaymaha loo haystay C/fitaax waxay ahaayeen kuwo la xiriira shaqadiisa saxaafadeed hadii aan hoos ugu dego waxa uu wareysi ka qaaday hogaamiyaha xoogagga ka dagaalama buurleyda Galgala Sheikh Maxamed Saciid “Attam” kuwaasoo ay dowlada goboleedka Puntland u aaminsan tahay in ay gacansaar la leeyihiin xarakada Al-Shabaab.

Ka daroo dibi dhal 31/08/2010 waxaa kooxo hubaysani ay ku dileen magaalada Gaalkacyo weriye C/llaahi Cumar Geedi oo ahaa weriye ka tirsan Idaacada Daljir mana jirto cid ciidamada amaanku ay falkaasi u soo qabteen, kuma eka oo keliya kuwaas ee waxaa jir hanjabaadyo ay saxaafada kala kulanto marar badan maamulka Puntland iyo xarigyo loo geysto wariyeyaasha.

SomaliSwiss Bosaso

Mustafa Cumar Abshir

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: