Madaxweyne goboleedka Puntland oo Addis Ababa kula kulmay Madax ka tirsan dowladda Ethiopia iyo Ururka Midowga Yurub.

Halkaan ka akhri

War uu noo soo diray Wakiilka SomaliSwiss ee magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Max’ed Faroole oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia uu shalay halkaas ku booqday qaarka mid ah Ciidanka Maamul goboleedka Puntland ee dhawaan ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay Buurta Galgala.

Xafiiska Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa waxaa laga soo saaray Warsaxaafadeed oo qoraal ah, waxaana lagu sheegay in Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland uu si weyn u amaanay dhaqaatiirka ku howlan daaweynta Ciidamada Darawiishta Puntland ee ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay buurta Galgala ee Gobolka Bari.

Warku  wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweyne Faroole uu  shalay magaalada Addis Ababa kulamo kula qaatay Madaxda ka tirsan dowladda Ethiopia iyo Ururka midowga Yurub, waxayna  ka wada hadleen sidii gacan loo siin laha Maamul goboleedka Puntland.

Sida la wada ogsoon yahay Ciidamadan dhaawaca ah oo tiradooda aan la shaacin ayaa waxay ka mid ahaayeen Ciidankii dagaalka kula gashay Maleeshiyooyinka uu hogaamiyo Max’ed Saciid Atam buuraha gobolka Bari, halkaasi oo mudo ay ka socdeen dagaalo cul culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo kuwa Max’ed saciid Atam.

SomaliSwiss   Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: