Shir looga hadlayay xaaladda Warbaahinta iyo Saxafiyiinta Soomaalida oo maanta ka furmay magaalada Utrecht ee dalka Holland.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta ka furmay  magaalada Utrecht ee dalka Holland shir looga hadlayay xaaladda ay ku sugan tahay Warbaahinta iyo Warbaahiyaasha (Suxufiyiinta) Soomaalida iyo xeerarkii kala duwanaa ee ay soo martay Warbaahinta Soomaaliya.

Sida warku nagu soo gaaray waxaa Shirkan ka soo qeyb galay Warbaahiyayaal ka kala tirsan qaybaha Warbaahintu ay ka kooban tahay  ee ka kala yimid dalalka, Ingiriiska, Sweden, Talyaaniga, Norway, Kenya iyo xubno ku sugan dalka Holland.

Kulanka Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay`adda Hayaan Media oo inta badan xil iska saarta difaaca suxufiyiinta soomaalida iyo sidii loo horumarin lahaa tayada Warbaahiyaasha ka howlgala soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galay shirkan xubno ka socda Press Media, ururo ka socda Bulshada soomaalida iyo shaqsiyaad u dooda xuquuqda bani’aadamka.

Wariye Cali Muuse Cabdi oo ah Suxufi ka tirsan Wakaalada Wararka ee Faransiiska (AFP) oo  ka yimid Magaalada Nairobi oo ka hadlay shirkaas ayaa ku dheeraaday taariikhdaWarbaahinta  Soomaaliyeed, wuxuuna si aad ah uga hadlay  marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen Warbaahinta Soomaalida.

Sidoo kale Weriye Muuse, wuxuu ku tilmaamay Warbaahiyaasha Soomaalida kuwa geesiyaal ah oo ku shaqeeya xaalad adag oo u dhaxeeysa nolol iyo geeri, wuxuuna sheegay  iyadoo  xaaladdooda ay sidaas tahay haddana aysan  helaynin dhaqaale ku filan oo ay ku ilaaliyaan noloshooda.

Dhanka kale wuxuu tussle ahaan u soo qaatay Wiilasha iyo Gabadhaha Weriyayaasha ah  ee soomaaliya ka shaqeysa waxay qaatan bishii lacag dhan 50 Dollkar kuma filna nolosha Suxufiyiinta, waxaaba dhici karta in lacagtaas wax ka yar uu qaato”ayuu yiri Cali Muuse Cabdi.

Sidoo kale dadkii ka hadlay shirkaas waxaa ka mid ahaa Hildebrand Bijleveld, oo ah Tifaftire Sare (Editor in chief Press) oo inta badan isku howla ururkiisa taakuleynta Warbaahinta Soomaaliya, hase ahaatee ka qeyb galayaasha shirka ayaa waxay diirada saareen dodo ku saabsan sida ay macquulka ku tahay in Wariyaha ama Qoraaga Soomaaliga ah looga taageeri lahaa dhinaca aqoonta iyo dhaqaalaha.

Hase yeeshee Wariyaashii kulanka ka hadlay waxaa ka mid ah Mowliid Xaaji Cabdi oo ah Agaasimaha Idaacadda SBC ee Magaalada boosaaso isagoo ka warbixiyay dhibaatada saxaafadda soomaaliya.

Mowliid wuxuu meesha ka saaray weerarada ay isku qaadan Warbaahiyaasha Soomaalida, gaar ahaan madaxda ka ah ururada, kuwaas oo ugu baaqay ciddii wax qaban karta in ay umadda u soo bandhigaan balse ma ahan in la is eedeeyo ayuu yiri.

Waxaa kaloo  khudbad oo ka jeediyay shirka manta uga furmay dalka Holland Warbaahiyaasha Soomaalida  ee qurbaha ku nool C/weli  Ibraahim Gar-yare oo ka tirsan madaxda Hayaan Media, wuxuuna soo jeediyay in haddii dadaal fara badan la muujiyo loo heli karo wariyayaasha tababaro kor loogu qaadi karo aqoontooda.

Wariye Gar-yare ayaa soo jeediyay in la abuuro karo Idaacad kulmisa wariyaasha ku nool Qaaradda Yurub si aan u lumin aqoontooda ama shaqadooda, wuxuuna sheegay in fulinta howshaas ay ku xiran tahay in si wada jir ah isaga kaashadan ururada suxufiyiinta iyo wariyaasha wada jir ayaa lagu heli karaa wax walba.

Ugu danbeyntii  waxaa ka hadlay shirkaas Guddoomiyaha Hayaan Media Cali Dahir Ciid oo ka warbixiyay waxqabadka Ururkiisa isagoo sheegay in mudadii ay jirtay hayaan Media in ay caalamka u soo bandhigeen dhibaatooyinka ay la kulmaanWarbaahiyaashaSsoomaalida iyo baahida Warbaahinta u qabto in horumar dhinaca aqoonta laga caawiyo.

SomaliSwiss   Utrecht

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: