Halkaan ka akhri
Waxaa maanta Kulan SaxaafadeedĀ loogu hadlayey IstraatiijiyadaĀ ay Amisom ka Leedahay Dagaalada ka Aloosan Soomaaliya Gaar ahaan Muqdisho ka dhacay Hotel Sarenna ee Magaalada Nairobi, Kulankaas ayaa waxaa inta badan la Casumay Wariyaasha Warbaahinta Caalamka iyada oo si Gaar ah Gogosha Loogu Fididyay Kuwa Soomaaliya oo dalkooda Colaada ka Oogan tahay.
Shirkaas waxaa ka hadlay Ku kigeenka Ā African Union u qaabilsan Soomaaliya Mar Kikus ayaa warbaahinta uga war bixiyay 2-Isbuucii ee ugu danbeeyay dagaaladii cuslaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Masuulkaas ayaa sheegay in Khariirada Soomaaliya meesha ku soo Bandhigay inay dhawaan gabi ahaanba ay Al-Shababa ay ka Suulin doonaan Goobaha ay ku dhuumanayaan,sidoo kale waxa uu Carabaabay oo Beeniyay War sheegaya in Ammisom Ā ay la Beegsadeen Madaafiicda Goobaha Ganacsiga oo ay Ku Naf waayeen SoomaaliĀ badan, arinkaas oo ku Tilmaamay Mid la Buun Buuniyay.
Dhanka kale Wariyaasha waxay Suāaalo ka Waydiyeen waxa uu Ururka African Union ka qabteen Soomaaliya, haddii wali Xaaladii Meeshii Marayso.
Sidoo kale Wariye Somaliyeed ayaa Suāaalay Masuuliyiintii Kulan Wareedka qabtay in lagu eedeeyo Amisom Garaacida Goobaha Shacabka Marka ay Weerar kala Kulmaan Al-Shabaab waxana uu Tusaale u soo qaatay Suuqa Bakaaraha.
Si kasta ha ahaatee gabagabadii Kulankaasi ayaa Wariyaasha loo sheegay inay Faafiyaan Wararka Dawlada Wadaaga ah ee TFG si Meesha Looga Saaro bay Yiraahdeen Kooxaha Mayalka adag ee Nabada diidan.
SomaliSwissĀ Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Dhicisow |
You must be logged in to post a comment.