Kaaliyaha dhinaca siyaasadda ee xoghayaha guud Qaramada Midoobay oo rajo fiican ka muujisay xal u helista xaaladaha Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Kaaliyaha dhinaca siyaasadda ee xoghaha guud Qaramada Midoobay Mr. Lyun Pascoe ayaa rajo Fiican ka muujiyay xal u helidda xaaladaha cakiran ee dalka Soomaaliya,  wuxuu sheegay in beesha caalamka ay sii xoojin doonaan taageerada ay siinayso dadka iyo dalka Soomaaliya.

Mr. Lyun Pascoe ayaa Xaaladda Soomaaliya ku tilmaamay wax laga badbadiyay, waxaana buunbuunisay warbaahinta caalamku iyo tan gudaha, taasoo ay ka soo warineyso qatarta ka jirta caasimadda dalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Sidaas darteed Kaaliyaha xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Siyaasadda wuxuu ku tilmaamay in wararka ku saabsan nidaam la’aanta Muqdisho ay tahay mid laga badbadiyay, uuna Muqdisho ku arkay shaqo bilow wanaagsan ah oo loo qaadayo xagga wax ka qabashada Nabadda iyo Ammaanka dalka.

Kaaliyuhu wuxuu Safarkiisa ku tilmaamay mid wax badan ka bedelay fikerkii uu ka qabay Soomaaliya, wuxuuna soo dhaweeyay howlasha ay AMISOM iyo TFG ka hayaan Muqdisho inkastoo sidii la rabay aan ahayn. Dhanka kale Mr. Lyun Pascoe wuxuu sheegay weerarada iyo dagaalada ka dhaca gudaha Soomaaliya in saameyn sidaasi ah yeelan doonin, ayna jiraan dadaalo wax looga qabanayo guud ahaan dhibaatooyinka ka jira gudaha Soomaaliya.

Wafdi ballaaran oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa maalin ka hor soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ahaa Lyun Pascoe iyo ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxayna la kulmay Madaxweynaha dowladda Soomaaliyaiyo mas`uuliyiin kale.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: