Howlo dayactir ah oo lagu hagaajinayo wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Saraakiisha ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho ayaa ka war bixiyay howlo dayac tir ah oo halkaasi beryahan ka socotay.

Taliye ku xigeenka ciidamada Militriga ee dowladda KMG Korneel Qataatow oo aagaasi ku sugan  ayaa warbaahinta u  sheegay in howshaasi ay mareyso heer gabo gabo ah, hase yeeshee wuxuu sheegay inay jiraan dhacdooyin saameyn ku yeeshay howshaasi dayac tirka ee cidiamada dowladda KMG ay ka wadaan wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Korneel Qataatow wuxuu intaa ku daray in ciidamada dowladda ay howshaasi dhowr jeer la kulmeen weeeraro, taasina wuxuu sheegay taliye ku xigeenka in aan wax saameyn ah ku yeelanin howsha, meel wanaagsan ay mareyso mar dhawna la soo gaba gabeyn doono.

Sida la wada ogsoon yahay Wadada Warshadaha ayaa hada waxaa ay tahay marinka kaliya ee la isaga kala gudbo magaalada Muqdisho, waxaana howsha dayac tirka looga dan leeyahay in looga hortago dhibaatooyin inay dhacaan.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: