Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay in la xoojinayo howlaha nadaafadeed ee xaafadaha magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir Maxamuud Tarzan ayaa sheegay in la sii xoojinayo howlaha nadaafadeed ee mudooyinkii u dambeeyay ka socday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Maxamuud Axmed Nuur Tarzan, ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobalka Banaadir in ay gacan ka geestaan ololaha nadaafadeed, wuxuuna sheegay in  howlaha nadaafadeed ay soo wajahaan caqabado, taasoo keenta inay mararka qaar hakad ay galaan.

Hase yeeshee wuxuu balan qaaday in la kordhinayo ololaha nadaafadeed si dib loo soo celiyo bilicdii iyo nadaafaddii ay mar lahaan jirtay magaalada Muqdisho.

Md. Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa wuxuu sheegay hada ka dib in howlaha wax saameyn ah ay ku yeelan doonin xaaladaha ka jira magaalada Muqdisho, waxaana xoogga la saarayaa dadka howlaha Nadaafadda ka shaqeynayo.

Sida la wada ogsoon yahay mudooyinkii u dambeeyay ayaa howlo nadaafadeed waxaa maamulka gobalka Banaadir ee dowladda KMG uu ka waday qaar ka mid ah degmooyinka dowladda ay maamusho ee magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: