DAAWO SAWIRADA KALE
Halkaan ka akhri
Wafdi heer sare oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, waxayna la kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed.
Kulanka oo ka dhacay madaxtooyada ayaa waxaa ka qeyb galay, kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda LYUN PASCOE, Ergayga gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga, Agaasimaha Xafiiska UNSOA iyo madax kale.
Sidoo kale qaabilaadda madaxweynaha waxaa ka qeyb galay wasiirro ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya.
Markuu kulanku dhamaaday ayaan wareysi siiyey saxaafada wuxuuna  Kaaliyaha Xog-hayah Guud ee QM ee dhanka siyaasadaa waxaana ugu horreyn hadalka furay Ergayga Xoghaya guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliya.
‘Waxaynu la nimi Lyun Pascoe oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Guud u Qaabilsan Dhinaca Siyaasadda, oo New York uga soo safray si uu Madaweynaha Soomaaliya Shekh Shariif ula kulmo.
Waxa aynu kala hadalnay Madaxweynaha arrimo badan oo ay ku jiraan dhinaca siyaasadda, ammaanka. Wayna iska caddahay kolka ay UN-ka iyo Dowladda Soomaaliyeed kulmayaan in ay tahay waxqabad hufan.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.