Dowladda Ingiriiska oo caalamka ugu baaqday in deg deg looga jawaabo dalabkii dowladda Somaliya.

Halkaan ka akhri

Dowladda Ingiriiska ayaa ugu baaqday beesha Caalamka in dowladda federaalka Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan loogaga difaaco wax ay ugu yeertay kooxaha kacdoonka kula jira ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Warsaxaafadeed laga soo saaray Xafiiska wakiilka Xukuumadda Ingiriiska ugu qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Mr Matt Baug ayaa lagu sheegay in looga baahan yahay beesha Caalamka inay taageerto dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ururka Midowga Afrika ee haatan nabad ilalinta u jooga gudaha dalka Somaliya ee AMISOM si looga qeyb qaato soo celinta nabadda iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.

Wakiilka xukuumadda Ingiriiska ugu qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu cambaareeyay dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho oo uu ku tilmamay mid ay dad badan oo Soomaaliyeed ku Geeriyoodeen halka kuwo kalana ay ku dhaawacmeen xili lagu guda jiro bishii Barakeysneeyd ee Ramadaanka.

wakiilku waxa uu Cambaareeyay Qaraxii ka dhacay Hotel Munna ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen dad isugu jiray madax iyo Rayid, wuxuu sidoo kale cambaareeyay weerarkii Madaxtooyada ee lagu dilay askar ka tirsan nabad ilaaliyayaasha Amisom.

Uqeybsanaha xukuumadda dalka Ingiriiska ee arrimaha Soomaaliya ayaa warsaxaafadeedkiisa waxaa uu ku sheegay in dowladda ingiriisku ay sii wadi doonto taageerada ay siineyso Ururka Midowga Afrika iyo dowladda KMG Soomaaliya si loo dhaqan galiyo heshiiskii Jabuuti.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: