Dad Soomaali ah oo ku waxyeloobay Telefoonada gacanta (Mobile) magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Halkaan ka akhri

Dhaawaca afar qof oo Soomaali ah oo ku soo wax yeelloobay teleefanada gacanta loo yaqaan (Mobile Phones) ayaa la dhigay xarunta caafimaadka Madina Nursing Home ee magaalada Nairobi,  sida uu xaqiijiyay maamulka Isbitaalkaasi.

Qofkii ugu horreeyay dadkaan ayaa Isbitaalka la gaarsiiyay subaxnimadii saakay abaare 7:30, xaalada laba ka mid ah dhaawacyada ayaa aad u liidata, waloow aysan jirkooda ka muuqan wax dhaawacya ah.

Mid kamid ah dhibanayaashaasi ayaa sheegay in uusan garan karin waxa ku dhacay oo ay miyir ugu dambeysay markii uu ka jawaabay Teleefon uusan nomberkiisa oqoonsan, bale uu isku dayay inuu ka jawaabo.

“Aniga oo baqaaya ayaan qabtay taleefanka, maxaa yeelay waan maqlayay maalmahan hadalka magaalada ku jira, markii aan sidaa u qabtayna waan suuxay oo waxa aan is arkay aniga oo Isbitaalka jooga” ayuu yiri mid kamid ah dhaawacyadaasi.

Lama oga xaqiiqda dhabta ah ee ka dambeysa arrinkaan, balse waxa ay arintani  wal wal badan ku abuurtay dadka reer Kenya,  inkastoo ay Hay’adda u qaabilsan dalkaasi Isgaarsiinta ee (CCK) ay ku dhawaaqay in aysan jirin wax dhibaata ah oo ka jira dhanka Teleefanada, arriinka farriimahana uu yahay been lagu cabsi gelinayo shacabka reer Kenya, waxa ayna shirkadda Isgaarsiinta ee (CCK) ku goodisay in ay ciqaab waafaqsan qodobka 29-aad ee sharciga isgaarsiinta 1998 marin doonto cid walba oo lagu helo iyada oo faafineyso fariimaha digniinta ah.

Dhanka kale shirkada SAFARICOM oo ay macaamiisheedu yihiin kuwa cabanaya ayaa beenisay in ay jiraan hirar ka sareeya kuwii caadiga ahaa oo dhibaateynaya macaamiisha.

Madaxa fulinta shirkada Safaricom Michael Joseph ayaa arrinka ku tilmaamay mid farsama ahaan aan macquul aheyn waxaa uuna yiri “tani waa dhagar mana aha wax suuroobi kara marka laga eego dhanka farsamada, waana sheeko xariir ay isticmaalaan qaar ka mid shacabka wadamada Asia, macaamisheena waxaan ka rajeynayaa in ay is dajiyaan” ayuu intaa raaciyay sarkaalkaasi.

Si kasta ha ahaatee lama oga ilaa iyo iminka xaqiiqda arrinkan, hasa yeeshee waxaa jira Fariimo E-maillada iyo Teleefanada la isugu dirayay oo ka digaya in laga jawaabo nombarada “No numerka ama red” ay ku qoran yihiin, hadii aad ka jawaabtana uu dhiig maskaxda kaaga furmi karo, waxa ayna keentay walwal fara badan oo soo wajahay isticmaalayaasha teleefannada gacanta oo aad si aad ah looga isticmaalo dalka Kenya.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: