Al-Shabaab oo xalay magaalada Jowhar ka bilowday uruurinta lacagihii ay dul dhigtay Beelaha ku dhaqan degmadaasi.

Halkaan ka akhri

Dhowaan ayay aheyd markii ay xarakada Al-Shabaab dul dhigtay Beelaha degan magaalada Jowhar in ay lacago iska soo uruuriyaan oo lagu taakuleeyo dagaalada, ayaa waxaa xalay magaalada si rasmi ah uga bilowday uruurinta lacagahaasi oo beel walba loo saaray gudi kasoo uruuriya.

Odayaal dhaqameedyada iyo waxgaradka magaalada ayaa gudi u saaray soo uruurinta lacagahaas, iyagoo ganacsi walba iyo guri walba ka qorayay magaca qofka ganacsadaha ama reerka hogaamiya.

Ganacsade jooga magaalada Jowhar oo aan la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyay in ay bilaabatay lacag uruurintii, isagana qeybtiisa xalay uu u dhiibay oday dhaqameedkiisa lacag dhan 80-doolar, kaas oo qeyb ka ah lacagihii la dul saaray.

Ganacsadahaasi oo ka cudur daarto in magiciisa labaahiyo ayaa yiri: “Qof walba magaciis ayaa la qorayaa, iyo beesha uu u dhashay, sidaas darteed waxaa dhiibeysa qidmo lacageed lagu saaray” sidaa darteedna ay ku qasban yihiin in ay bixiyaan lacagahaasi ladul dhigay.

Beel walba ayaa lacag go’an oo la saaray laga qaadayaa, taasi oo laga ambaqaadayo go’aankii dhowaan Al-Shabaab ka soo baxay oo ahaa in beelaha waa weyn ay bixiyaan lacag dhan 9,000-kun oo doolar, halka beelaha yar yarna la dul dhigay min 3,000-kun oo doolar, taasoo u dhiganta sida loo kala qeyb saday kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya ee 4.5.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku dhaqan beelo kala duwan, kuwaas oo degan magaalada labada gedi ee ay ka kooban tahay, waxaana beelaha qaar ay yihiin kuwo caan ku ah wax soo saarka beeraha iyo dalagyada kala duwan, taasoo ay kasoo saartaan noloshooda aduunyo.

SomaliSwiss Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

———————————————————————————————————-

Al-Shabaab oo lacag Dollar ganaax ah duldhigtay Beelaha Shabeelada dhexe, uguna qaybisay sida sharciga Baarlamanka Soomaaliya ee 4.5.

%d bloggers like this: