Halkaan ka akhri
Waxaa maalmahan magaalada muqdisho ka soconaya shir la doonayo in lagu Mideeyo labadan urur ee Xizbul Islaam iyo Al-Shabaab.
Waxyaabaha ugu waaweyn ee la’isku mari la’yahay labada Ururr ayaa waxaa kamid ah in magaca Al-Shabaab laqaato oo laga tanaasulo magaca Xizbul Islaam, halka madaxda Xizbul Islaamna ay ku kala jabsan yihiiin arinkaasi.
Balse warar haatan nasoo gaaraya ayaa sheegaya in xarakada Al-Shaabaab ay ku goodisay in magaceeda laqaato, oo laga tanaasulo magaca Xisbiga ee uu gudoomiyaha u ahaa Sheikh Xasan Daahir Aweys.
Qaar badan oo kamid ah madaxda ururka Xizbul Islaam ayaa iyagu ku raacay in ay la midoobaan xarakada Al-Shabaab, oo laga tanaasulo magacaasi kale.
Dhinaca kale warar hoose oo naga soo gaaray madaxda katirsan Xizbul Islaam ee mucaaradsan in ay la midoobaan xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in ay kadoorbidayaan intii ay lamidoobi lahaayeen Shabaabka in ay u galaan dowladda KMG Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina shirkii maanta uma uusan dhicin sidii ladoonayay.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Â
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.