Fanaanada Caanka ah Saada Cali Warsame oo loogu hanjabay Dil, khadka Taleefanka mag. Kampala ee dalka Uganda

Halkaan ka akhri

Saado Cali Warsame oo ah  Fanaanada Caanka ah ee Soomaaliyeed oo todobaad kahor soo gaartay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa  la sheegay in ay ka kulantay hanjabaad xoog leh oo kaga timid xubno taageersan ururka Xarakada Al-shabaab oo ku sugan magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Saado Cali Warsame ay  u timid magaalada Kampala inay ka dhigto bandhig faneed maalinta CIIDA oo ay  si wadajir ah u soo qabanayeen iyada iyo Abwaan Maki Xaaji Banaadir ayaa 29- kii bishan laga soo wacay telefoonka oo Nambarkii dahsoon yahay, waxaana loo sheegay in maalmaha soo socda talaabo laga qaadi doono, arintaas oo wel wel iyo cabsi xoog leh ku beertay.

Dhinaca kale Saado ayaa sheegtay in aaney wax barnaamij ah sameyneynin ilaa iyo inta laga damaana qaadayo amaankeeda, hase yeeshee sidoo kale 1- dii bisha Luliyo ee sanadkaan ayaa loo hanjabay dhalin yaro Soomaaliyeed oo qaban qaabineysay xaflad lagu maamuusayay maalinta xormimada iyo midowga labada gobol koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya.

Hase yeeshee waxaa dadka Reer Uganda, gaar ahaan Soomaalida deggan Wadankaas ayaa wali xusuusan qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Kampala ee dalka Uganda oo ay mas’uuliyadiisa sheegteen Xarakada Alshabaab, waxaana qaraxaasi ku dhintay 75 qof iyo dhaawac intaas  ka badan.

SomaliSwiss    Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: