Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ku dhaawacmay dagaalada Muqdisho oo saaka laga dhoofiyay garoonka Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo ku dhaawacmay dagaalka ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa saaka loo duuliyey magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, ciidamada loo qaaday dalka Kenya ayaa waxaa ku jira ilaa 4 askari oo ku dhaawacmay hoobiya lagu weeraray xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Ciidanka AMISOM ayaa dhibaatada ka soo gaartay dagaalka ka socda Muqdisho ay tahay mid aad u yar marka loo eego Madaafiicda arxan darada ah ee ay ku laynayaan maalin walba shacabka rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho, dadkii shacab ka ah ayaa inta badan ka barakacay magaalada Muqdisho.

Ciidanka AMISOM ee loo duuliyey saaka dalka Kenya ayaa la sheegayaa in ay gaarayaan ilaa 8 askari walow aan ilaa hadda la garanayn tirad rasmiga ah ee dhimasho iyo dhaawac ee laga duuliyey garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sarkaal u hadlay ciidanka AMISOM ayaa ka gaabsaday in uu ka waramo xaalada caafimaad ee askarta AMISOM ee loo duuliyey dalka Kenya balse waxaa uu sheegay in caafimaadkoodu yahay mid wanaagsan.

Sarkaalka u hadlay AMISOM ayaa sheegtay in ay guulo ka gaareen dagaaladii maalmahan ka socday magaalada Muqdisho.

Dhinac kale meyd ilaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Uganda ayaa la geeyay caasimada Uganda  ee Kampala waxaan halkaas loogu sameeyey aas qaran, askartaan ayaa waxaa ay ku dhinteen hoobiye ay xoogagga Al-Shabaab la beegsadeen xarunta madaxtooyda ee Villa Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: