Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Sida la wada ogsoon yahay Degmooyinka Hodon iyo Boondheere ee G/Banaadir oo ah meelaha ugu badan dagaalada culus ay ku dhex mareen Ciidamada dowladda KMG, AMISOM I oo isku dhinac ah iyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda ayaa saaka  ay heleen xoogaa daganaasho aan la isku halayn Karin.

Hase yeeshee Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa lagu soo warramayaa in saakay ay  ka jirtay xaalado daganaasho ah, wadada Dabka iyo xaafadaha degmooyinka Deyniile, Yaaqshiid iyo Boodheere oo madaafiic culus shalay ilaa xalay  lagu garaacay ayaa saaka ay ka jirta xoogaa xasilooni ah.

BalsedDaganaashaha laga soo sheegayo saaka caasimada Magaalada Muqdisho ma ahan mid la isku halayn karo, waxaana mar walba magaalada ay qarka u saran tahay in ay ka dhacaan dagaalo iyo duqeymo culus.

Inkastoo dagaalada iyo duqeymaha ka socda magaalada Muqdisho oo khasaaraha ugu badan ka soo gaaraan dadka shacabka ah oo dhimasho iyo Dhaawac fara badan ka soo gaareen dagaalada 9-ka maalmood ka socda Muqdisho meelo.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: