Taliyaha ciidamada difaaca dalka Uganda oo sheegay in ciidamo gaaraya 10-kun Askari ay u soo dirayaan dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Dowladda Dalka Uganda ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay Dalka Soomaaliya u dirto 10-kun Askar dheeraad ah si ay uga mid noqdaan Ciidamadooda jooga Muqidsho, sidaa waxaa sheeca ka qaaday Taliyaha Ciidamada Difaaca Gen. Aronda Nyakairima.

Gen. Aronda Nyakairima  oo ah Sarkaalka ugu Sarreeya Ciidamada Uganda ayaa sheegay in amarka go’aanka Ciidamo dirista Soomaaliya ay ka sugayaan Madaxda Sare ee dowladda Uganda,hase yeeshee waxaa la sheegay in Madaxweynaha dalka Uganda uu ka war-dhoorayo inuu Beesha caalamka uu ka helo ballan qaad taageero  rasmi sh, gaar ahaan Madaxweynaha dalka  Maraykanka Barak Obama, isla markaana la bixiyo inta badan taageerada la siinayo Ciidamada diyaarka u ah in geeyaan Soomaaliya  oo ay tiradooda gaarayso ilaa10 kun Askar hor leh oo ka socda dalkaasi.

Sidoo kale Sarkaalkan ayaa wuxuu walaac ka muujiyey Wadamadii kale Afrikaanka ahaa ee Ciidamada u balan qaaday Soomaaliya oo aan wali u soo dirin Dalka Soomaaliya xitaa min kun Askar ah.

Hase yeewshee Sarkaalkan ayaa sheegay in ay suuragal noqon karto haddii Uganda ay weyso taageero caalami ah in ay soo dadajin karto ciidamadeeda sidii ay ugala bixi lahayd dalka Soomaaliya oo maalinti shalay ahayd  lagu dilay ilaa shan Akartooda ka mid ah.

SomaliSwiss   Kambala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: