Ku simaha wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta sare oo ka hadlay qaabka ay u socoto diiwaangelinta ardayda u tartamaysa deeqaha waxbarasho ee dibada.

Halkaan ka akhri

Ku simaha wasiirka  wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare, ahna Wasiirka gargaarka iyo dib u dejinta dowladda KMG Soomaaliya Dr. Maxamuud Cabdi Ibraahim (Garweyne) ayaa shalay Faafaahin dheeraad ah ka bixiyay qaabka ay u socoto diiwaangelinta ardayda u tartamayso deeqaha waxbarasho ee ay Wasaaradu ka heshay dalalka Yeman iyo Suudaan.

Hasa yeshee tan iyo wixii ka danbeeyay markii Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ay iclaamisay in ay soo gaareen fursado waxbarasho oo dalka dibadiisa ah ayaa waxaa si dardar leh ku soconayay howlaha ku aaddan diiwaan gelinta iyo qabashada araajiida ardayda doonaysa in ay ka faa’iidaystaan deeqaha waxbarasho ee laga helay dalalka Yeman iyo Suudaan.

Sidoo kale ku simaha wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare ayaa saxaafadda u sheegay  in ay la soo xiriireen Arday fara badan oo ku sugan Gobolada dalka, kuwaas oo uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka mid noqdaan Ardayda doonayso inay ka qeybgalaan Imtixaankaas si ay  ugu guuleystaan waxbarashada lacag la’aanta ah ay ka heshay Soomaaliya wadamada Yeman iyo Suudaan.

Dhanka kale Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ardayda ay si wadajir ah ugu wada fariisan doonaan imtixaankaasi, iyadoo xustay in aysan jiri doonin wax eex ah ama musuqmaasiq ah ee lagu kala sameeyo ardayda Soomaaliyeed ee doonaysa in ay ka faa’iideystaan deeqdaas waxbarasho, waxayna Wasaaraddu sheegtay in loo xil saaray Guddi gaar ah loona maamuli doono si cadaalad ah.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: