Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Waxaa  saaka wali ka socda magaalada Caasimada ee Muqdisho dagaalo Sideed maalin jirsaday waxa magaalada ku waabariisatay madaafiic goos goos ah oo ay ridayaan Ciidamada dirirtu ka dhaxeyso.

Hase yeeshee magaalada Muqdisho ayaa waxay marti u ahayd  dagaalo iyo Duqeymo aan kala gò lahayn wixii ka danbeeyey dhicitaankii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxayna maanta ku jirtaa dagaaladii ugu xumaa ee ay magaaladu soo martay 20kii Sano ee la soo dhaafay, wuxuuna dagaaladan u dhaxeeya xoogaga Islaamiyiinta iyo Dowladda KMG.

Hase yeeshee waxaa xaafado ka tirsan magaakada Muqdisho ka dhacayaa maanta Madaafiic culus waxaana ka mid ah degmooyinka ay ku socoto madaafiicda  Hodon, Deyniile, Huriwaa, Yaaqshiid iyo Boondheere, sidoo kale degmooyinkan ayaa ah, kuwo si toos ah ugu socdeen dagaalada maalmihii la soo dhaafay, balse Madaafiicdan ayaa ahaa  kuwo si xariir ah aan hakad lahayn u dhacayey  8-dii maalmood ee ugu danbeeyey.

Sida ay wararku nagu soo gaarayeen dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay khasaare fara badan oo Dhimasho iyo Dhaawacba leh, waxaana khasaraha ugu badan soo gaareen dadka shacabka ah, inkastoo ay jiraan khasaare kala gaaray dhinacyada dagaalamaya, balsesi rasmi ah looma oga inta ay la egyihiin khasaarahaas.

Si kasta ha ahaatee waxaa maanta laga cabsi qabaa in madaafiicda sida goos gooska ah u socda in ay saamayn ku yeeshaan Ganacsiga Suuqa bakaaraha oo ah Halbowlaha Soomaaliya, suuqaasi oo 6-dii maalin ugu danbeysay ku xirnay dagaalada iyo duqeymaha ka socda Muqdisho awgeed.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: