Tirada dhimasho iyo dhaawac ee soo kala gaaray Al-Shabaab, dowladda iyo Amisom muddo todobaad ah (warbixin faah faahsan oo rasmiya).

Halkaan ka akhri

Dagaalka hadda socda oo qasaara baaxad weyn uu si toos ah usoo gaaray labada dhinac ee ku dagaalamaya Muqdisho ayaa muujinaya in koox walba ay ka dhinteen tiro ciidan ah isla markaasna ay ka dhaawacmeen tiro kale, halka shacabka qasaarihiisu uu joogta iska ahaa weligiis.

Alshabaab ayaa dagaalkaas ku waayay 102 dagaal yahan, halka dowladda KMG ah ay uga dhinteen 57 askari iyo 6 xildhibaan, waxaana intaas dheer 143 dad shacab ahaa iyo 4 askari oo UGANDA ah.

Tirade dhaawacyada soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay ee isbitaalada lageeyay ayaa muujinaysa in Alshabaab ay ka dhaawacmeen 187 dagaal yahan oo 95 ay aad u liitaan oo aan lagu daawayn Karin Somaliya, halka dowladda KMG ah ay ka dhaawacmeen 108 askari oo 46 ka mid ah aan wax looga qaban Karin dalka Somaliya.

Dhaawaca rayidku waa 304 qof inta la ogyahay, halka Amisom-na uu yahay 8 askari, waxaana hadda bilowday todobaadkii labaad oo aan la ogayn tirade qasaarada uu la imaan doono, balse u muuqda mid aan waxba laysu reeban doonin, qola tabari ciishaba.

 SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: