Sheikh Max’ed Siciid Atam oo ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Buuraleyda Galgala.

Halkaan ka akhri

Hoggaamiyaha koox ka soo horjeedda maamulka Puntland ka dagaalanta gudaha iyo daafaha deegaanka buuraleyda Galgala ee gobolka Bari, Sheikh Maxamed Siciid Atam oo ayaa ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyay ee ay la galeen ciidanka Puntland.

Hoggaamiyuhu wuxuu sheegay in khasaare xoogan ay u geysteen ciidanka Puntland ee ku sugan deegaanka Galgala, waxaana uu sheegay in dagaalkii ay kula jireen ciidamada Puntland ay u bedaleen weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Sidoo kale Hoggamiye Sheikh Maxamed Siciid ayaa hadalkiisa ku daray in baabuur badan oo nooca dagaalka ah ay ka gubeen Puntland, halkaasina ay khasaare ugu geysteen tiro askar ah sida uu hadalka u dhigay.

Sheikh Maxamed Siciid Atam  oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Waxaan weerarnay Saldhiga ciidanka PIS-ta ee Galgala, waxaana halkaasi ugu geysanay khasaare, waxaan sidoo kale ka gubnay gaari tikniko ah oo aanu qarax la bartilmaameedsanay”.

Dhanka kale Hoggaamiyaha koox ka soo horjeedda maamulka Puntland  ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Faroole, Ku-xigeenkiisa Cabdi Samad iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Ilkajiir inay mas`uul ka yahay dagaalka ka dhacay deegaanka Galgala in ay qaadan doonaan mas’uuliyadda dhibaatada deegaankaas ka dhacday ee welina socdo,wuxuuna  intaas ku daray in dhinacooda khasaare uusan soo gaarin balse dhinaca Ciidamada Puntland ay gaarsiiyeen khasaare kala duwan oo naf iyo maal ah.

Si kasta ha ahaate Sheikh Maxamed Siciid Atam ayaa sheegay in wadahadal iyo nabad ay la galaan maamulka Puntland ay ka horeyso in la ogaado cidda dhibta wadda, isla markaana Puntland ay qaadato mas’uuliyadda dagaalka ka dhacay Galgala iyo khasaaraha halkaasi shacabka ku soo gaarey sida uu yiri Atam oo ah hogaamiyaha Ciidamada buuraha galgala ku dhumaalaysanaya.

 SomaliSwiss     Bosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: