Markab hub culus u sida Amisom iyo dowladda Soomaaliya oo laga dejiyay Dekadda Muqdisho

Halkaan ka akhri

Markab sida saanad militeri ayaa kusoo xirtay habeen hore dekadda way nee magaalada Muqdisho kaas oo siday hubka culus ee lagu dagaalamo iyo sanaado meleteri oo kala duwan, waxaana dejintiisa dhamaatay shalay gelinkii hore oo loo daad gureeyay qalabkaas meelaha ay gacanta ku hayaan Amisom iyo dowladda Somaliya.

Markabkaan ayaa laga dejiyay taangiyo ku cusub Muqdisho oo ah nuucyo yar yar oo aad u dheereeya iyo saanado kale oo meleteri oo aan la aqoonsan oo ku rarnaa konteenaro, waxayna sheegeen dad xog ogaal ahi in waxa ugu badan ee markabkaasi siday ay ahaayeen Taangiyo nuuc yar yar iyo rasaasta nuucyadeeda kale duwan.

Taangiyadii hore ee Amisom oo ahaa nuucyada waawayn ayay ku cuslaatay Amisom inay uga dagaalamaan magaalda gudaheed muddo sahlan xawaarahooda oo gaabiya darted iyo meesha lagu dagaalamyo oo aan banana ahayn, waxayna taasi keentay sida muuqata inay dalbadaan nuucyo yar yar oo dheereeya oo looga dagaalami karo guryaha dhexdooda isla markaasna ku socon kara xawaare badan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: