Dagaaladii mag. Muqdisho oo ka qayli siiyay Shabaab, Sheikh Shariif iyo Yuweri Musaveni.

Halkaan ka akhri

Dagaaaladii socday isbuucii lasoo dhaafay oo qasaare baaxad wayn oo aysan weligood arag ay kala kulmeen labada dhinac ee ku dagaalamay Soomaaliya oo markaan u muuqday inay is arkeen halka markii hore ay shacabka ku kala dhex dhuuman jireen ayaa ka qayla siiyay dhammaan dhinacyada dagaalamaya.

Dagaalkaan oo inta badan ka dhacay meelo aysan ku badnayn dadka rayidka ah isla markaasna ay uga qayb galayeen dhinaca Shabaabka oo ay garab socdaan dagaalyahanno shisheeye kuwii ugu badnaa iyo dhinaca dowladda oo amisom garab socoto ayaysan qarsan qasaaraha soo gaaray dhammaan kooxuhu.

Afhayeenka Alshabaab Ali dheere ayaa 3 mar oo kala duwan saxaafadda u sheegay inay dagaalada ku waayeen dagaal yahanno tiro badan, halka Dowladda KMG ah ooh al maalin laga dilay xildhibaano badan uu qaylo dhaan afka kala furay madaxweyne shariif manta oo isniin ah, waxaana saacado ka dib isaguna afka furay madaxweynaha Ugandha Yuweri Musaveni oo caalamka ka codsaday in lasoo taageero isagoo daba dhigay in haddii aan si deg deg ah loo taageerin ay dhici doonto in waxa ay la qaylinayaan qolo kastaahi wajahdo xilli aan waxba laga qaban Karin.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: