Cambaareyn iyo Baaqyo loo soo jeediyey dhinacyada ku dagaalamaya gudaha magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Waxaa soo badanaya cambaareynta iyo Baaqyada loo soo jeedinayo dhinacyada ku dagaalamaya caasimada magaalada Muqdisho, waxaana laga codsanayaa  in shuruud la`aan la joojiyo dagaalada ka socda Muqdisho, si loo bad baadiyo maatida micno darrada ku dhimanaysa dagaalada aan dhamaadka lahayn.

Qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed eek u kala nool gudaha dalka Soomaaliya iyo dibaddiisaba oo leh  Aqoonyahano, culumaa’udiin, Waxgarad iyo mas’uuliyiin xilal horay uga soo qabteen Dowladdihii hore ee Soomaaliya ayaa ugu baaqeen Dowladda KMG iyo dhinacyada Islaamiyiinta ka soo horjeeda in ay si sharuud la’aan ah ku joojiyaan dagaalada si loo bad baadiyo dhiiga shacabka ee sida ba’an ugu daadanaya dagaalada socda.

Sidaas darted maanta oo ah maalintii Sideedaad oo ay ka  socdaan dagaalada aan kala gò lahayn, aysan jirin wax guulo ah oo ay kala gaareen dhinacyada dagaalamaya oo aan ahayn khasaare dadka rayidka ka soo gaaray dagaalada sii kordhaya.

Sidoo kale waxay inta badan ururrada Soomaalida ay uga baaqeen dhinacyada kala duwan in dagalada laga joojiyo wadooyinka halbowlaha u ah dhaqdhaqaaqa bulshada, gaar ahaan wadada  isku xirta Isgoysyada Bakaaraha iyo Dabka halkaasi oo 8 Maalmood oo xariir ah u xiran dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale waxaa dagaaladan si is daba jog ah u canbaareeyey guud ahaan Soomaalida qurba joogta ah eek u kala nool daafaha Caalamaka, sidoo kale waxaa dagaaladan Canbaareeyey Ururrada Caalamiga ah, Beesha Caalamka iyo dalalka Saxiib la ah Soomaaliya iyo kuwo danaynayaba.

Hase yeeshee waxaa lala yaaban yahay Dowladda KMG iyo Dhinacyada ka soo horjeeda oo dhegaha ka fureystay baaqyadaas in ay dagaalada joojinayaan si xal aan dagaal ahayn loogu raadiyo dhibaatooyinka Siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee ma ahan markii ugu horaysay oo loogu baaqo dowladda KMG iyo dhinacyada islaamiyiinta xabad joojin xili ay sii socdaan dagaalada qasaaraha fara badan ka soo gaaraya dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

SomaliSwiss     Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: