Waaxda socdaalka Switzerland oo soo bandhigtay warbixin la xiriirta dadka soo gelootiga oo ay kamid yihiin Soomaalida.

Halkaan ka akhri

Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka dalia Switrerland ayaa soo saartay taariikhda markay ahayd 26.08.2010, waxaana Warbixintaas lagu soo  bandhigay  xaaladaha Bulshadeed  iyo dhaqaale  ee wadamada Portogallo, Turchia, Kosovo e Somalia/Eritrea ee dalka Switzerland ku nool, hase yeeshee warbixintu laguma hadlin dhanka Dhaqanka Bulshooyinka Wadamadaas.
Sida ay Waaxda Socdaalku ay warbixinteedu ku sheegtay waxaa Warbixinta ka horreysay mid kale ay ka soo saareen  bishii Nofembar  2007da Muhaajiriinta ka yimaaday  Wadanka srilanka, hase yeeshee Waaxda Dowladda Federaalka Swissku uga qaabilsan Socdaalka ayaa waxay Warbixin ka soo saartay  Wadamada aan kor ku soo sheegnay
Sidoo kale  baaris-cilmiyeedka Warbixintan ayaa la sheegay in si sahlan loo soo uruuriyey, iyadoo laga duulayo wareysiyo si gooni gooni ah loola yeeshay  dadka ku dhaqan Swisska ee ka yimaaday Wadamada  Portogallo, Turchia, Kosovo e Somalia/Eritrea.
Ugu horreyntii waxaa Warbixinta lagu soo qaatay Wadanka  Portogallo oo la sheegay inay yihiin dad soo galay muddo aad u fog, ahna Wadanka Saddexaad ee  uga badan ee nool dalka Switzerland, sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in Jaaliyadda qurba joogta Bortaqiiska ay yihiin dad fikradohooda mideysan si fiicanna u sameeyeen Is-dhexgal (Integration), waana dad ku dheggan Waddaniyadooda iyo dhaqankooda, sidaas si la mid ah waxay Jecel yihiin inay Wadankooda ay dib ugu noqdaan,  taasi waxaa daliil u ah 4% ayaa Codsada inay qaataan Baasa boorka dalka Switzerland.
Jaaliyadda Qurba jooga bulshada Turkiga ayaa lagu tilmaamay inay gelayaan Kaalinta Lixaad Ajaanibka ku dhaqan dalkan Switzerlanda, balse badinkooda haysta dhalashada Waddankooda, dadka Turkiga ah ayaa warbixintu lagu sheegay inay soo galeen Switzerlanda Lixdameeyadii (1960).
Hase ahaatee dadka Turkiga ah ayaa waxay wadanka Swisska ku leeyihiin Baarar, Maqaayado, Dukaaman iyo Shirkadaha Safarada dalxiisayaasha, sidaas darted waxaa lagu sheegay dadka inay yihiin dad jecel inay yeeshaan Mehrad ayagu u gaar ah.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Jaaliyadda dadka Turkiga ah ee Qurba joogatada ah lagu sheegay inay yihiin dad mideysan oo leh Ururro Jaaliyadeed iyo Madax Diimeed, waxana leeyihiin xaruma ay ku kulmaan ee ay ku kala War qaataan iyo Masaajido ay ku Cibaadeystaan.
Dadka Reer Kosovo eek u dhaqan dalkan Switzerland ayaa sidoo kale bilaabay inay u soo haajirana  Swisska Sanadka markuu ahaa 1960kii waqtigaas oo ay ku soo geli jireen iyadoo wata dhalasho Serbia ama Jugoslavia, hase yeeshee maanta arrintu way ka duwanta tii berigii hore, si aad ah ayey u soo galeen intii uu socday dagaalkii u dhexeeyey Gobolka la isku yiraahdo Balkanka, balse dadka soo galay ay ahaayeen 35% dad dhallinyaro ah, kuwaas oo caruur badan Swissku ku dhaleen.
Inkastoo aan warbixinta si ballaaran loogu sheegay howlaha ay qabtaan jaaliyada Qurba joogta Kosovo, hase yeeshee waxaa la sheegay inay Is-dhexgalkooda aad u hooseeyo, waxayna la mid yihiin dadyoowga Taliyaaniga, Spain iyo Soomaalida oo Isdhexgalkood aad u xun yahay.
Ugu danbeyntii waxaa warbixinta  si kooban loogu hadlay Soomaalida  iyo Eritrea, balse waxaa si gaar lagu soo qaatay dadka Qurba jooga ee Soomaalida, kuwaas oo lagu tilmaamay inay ka dhex muuqanin dadyowga kale ay la noolyihiin, taasi oo lagu micnayey inay semeynin is dhexgalka Bulshooyinka, waxaana sabab loogu dhigay ku aragti duwnaashaha dhinaca ISIRKA iyo Ictiqaadka sheegashada Qabiilka ee dagaalada Sokeeya si aad ugu kala coloobay, sidoo kale sababta labaad ayaa lagu sheegay in soomaalida timiday Switzerland ay ugu horreyntii la kulmeen Shaqo la`aan, taasoo sabab loogu dhigay Sharciga F oo waqtigaa aan lagu shaqeyn Karin, balse goor danbe loo oggolaada inay uga shaqeystaan Maqaayadaha oo keliya, hadda ay xoogaa dhaanto faktii hore.
Dhanka kale warbixinta waxaa lagu sheegay in qoysas Soomaalida ah oo si ku meel-gaar ahaan loo qaabilay, ay iska horimaadyo ka dhex dhalatay waxaa batay Furitaanka, caruurtii oo waayey Aabe iyo Hooyo wada nool.
SomaliSwiss Swissinfo
SomaliSwiss@hotmail.com
%d bloggers like this: