Halkaan ka akhri
Waxaa caado ii ahayd inaan subixii markaan indhaha kala qaado ee aan salaada subax tukado isuna diyaarinayo inaan shaqada ku jarmaado inta aanan guriga ka bixin aan indhaha sii mariyo wax ka soo cusboonaayday ama xaalada nabadgelyo iyo isbedel ee ka soo korodhay
Dhulkaygii iyo waxaa ku dhacay dadkaygii iyo  saacadahaan hurday.
Markaasaan waxaan arkaa waxaa la qarxiyay dad waxaa barakay shacab badan waxaa yaala isbitaalada dhaawac iyo dhimasho badan waxaa la afduubay maraakiib iyo hay, adaha samafalka waxaa madfac ku fadhiistay qoys iska dhan oo aan qofna ka bixin waxaa socanayaa dagaalkii xalay bilowday iyaga oo laysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan koox hebel oo koox hebel isku garaba iyo jameeca hebla oo jameeco hebli kaalmaynayso, waa arin naxdin leh fajac leh
Amkaag leh,  naxdin waa beryo joogta waa habaar ku dhacay oo u gaara umada soomaaliyeed Waxaan markiiba is waydiiyaa ma dadkaygaan insi ahayn ma dalkaygaan dalalka aduunka ka nasiibdaran oo qayb u helay dagaalkan aan dhamaadka lahayn?
Ma umaddan soomaaliyeed ayaanba nabad loogu talo galinbaa, waa su,aalo aan iswaydiiyo.
Waxaan isku qanciyaa way dhamaanaysaa dhakhso, amerikaba marbay  ahayd  wadanka aduunka ugu amaanka daran oo dhaca iyo boobka dilka iyo kusfigu caadi ka ahaa waxaa la soo maray casri ay yurubta maanta aduunka ugu amaanka badan  is dilaysay  waxaa ka dhacay dagaalo sokeeye dalalka carabeed  casri jaahiligii waa tii is dhamaysay  ee ay qabaa’ilka isugu duuli jireen.
Afrika waa tii xasuuqyadii caanka ahaa ka dhaceen ee ay xabada isku aslaaxisay maanta gebigood wadamada aan soo sheegay  waa wada nabad.
Way  imanaysaa maalintaad sugaysay soomaaliya oo dowladeedu ka baxday meelku gaadh iyo gacanta qowlastada iyo qaran bi,iska iyadoo shacabku codkiisa dhiibto, madaxdu shacabka dhex lugayso, ardaydu raxanraxan u socoto tareemo iyo basas iyo diyaarado iyo gaadiidka dadwaynuhu is dhexqaadayo iyada oo aan lays waydiin qolamaa tahay ee lays waydiiyo xagaad degantahay iyo magacaa oo kaliya.
Inkastoo ayaamahan ay indhahayga iyo dhagayguba daaleen dhibkii aanan isku arkay dabeecad cusub oo muujinaysaa quusta iyo rajada xumada aniga oo websityada ka warwareega idaacadahana ka dhuunta televisionada kala booda kanalka si aanan u arkin wax naxdin leh.
Balse ma samaynayso isbedel arintaasi oo waa waxaan lays moogaysiin karin.
Waxaan been ahayn in qof walba oo muwaadinimo soomaaliyeed ku jiro hamigiigus ku riyoodoo.
Dadkii oo heshiiyay dalkii oo nabada iyo dowlad laysku raacay oo aan wax diidan lahayn.
Dagaalkii oo dhamaaday iyo dunida oo aan sharafteena dib ugula soo noqonay.
Waxaa la yidhi waxa laga faano ayaa rag ku faanaa , waxaan dhawr jeer la kulmay umado ajnabiya.
Markay ku waydiiyaan wadankeedbaad ka timid ee aad ugu jawaabto soomaaliya
Isla markaas ayuu waxuu ogaanaayaa inaadan , wadanka ganacsi u joogin waxbarasho u joogin.
Dalxiis u joogin caafimaad u joogin  ee aad qaxoonti tahay waxuuna kuula hadlayaa si miskiinimo isaga oo laba kelmadood kugu odhanayaa wadanka pirateka saw maaha televisionkaan ka arkay iyo wadanka argagixada qabstay dhawaan saw maaha wali dalkaaga dhibkii iyo dagaaladii maka socdaa , intaas marka laysu kaa dabo dhigo ayaad xishoonaysa , ciishoonaysaa oo murugoonaysaa.
Waayo ma jiro hal shay oo wanaagsan oo lagugu sheegay, waxaa jaraa,idada caalamka lagu qoraa muqdisho caasimada ugu halista badan aduunka meesha aduunka ugu xun meesha ugu amaanka daran.
Bal eega soomaaliyeey maxaynu dhaana ugaadha midba midka uu ka xooga waynyahay cuno.
Nin gurigiisii gubanaayo oo guri kaleeto dhisaaya waa soomaali
Nin gurigiisa shisheeye usoo kaxaysta oo dhaha ila gub keligay ma gubi karee waa Soomaali.
Nin dalkiisa ka jecel dal ajaanib uu ku yahay kuna faana waa soomaali
Nin aan ogayn dalkiisa nimcadiisa kala yaqaan wax soo saarka dowladaha caalamka iyo ilaha dhaqaale waa soomaali.
Bulshada soomaaliyeed waxaa ku dhacay nasiib daro, waxaa ku habsatay masiibo loo tirinayo inay sababteeda leeyihiin waxaana ilaa hada ka sii muuqata rajo xumo, waxaan yaabaa markaan arko nin masuul sheeganayaa oo la ogyahay meesha uu ku dagaalamayo iyo cida uu la dagaalamayo iyo ujeedada dagaalkiisa oo lagu leeyahay labada kooxoodba waxay kala sheegtay guulo qolona wax horumar ah kama samayn dagaalkii saaka ama xalay.
Horumarku dagaalku waa in dhul nabada la gaadhsiiyaa dagaalka dad degana la qixiyaa
Dad noolna la dilaa dhul dhisana la dumiyaa bal umadyahay ila eegaa kaasi ma horumarbaa mise waa dib u dhac.
Waxaa n wada ogsoonahay bisha barakaysan ee Ramadaan in aysan qolona ixtiraamin waxaan wada ogsoonahay ilaa hada inaysan qolana diyaar u ahayn iyaga oo shacabka u danaynayaa quban ee roobka qoraxda , haraadka , gaajada, cudurka daashadeen dartood inay ku tanaasulaan kana tagaan meesha si qolada kale haday waydo mucaarad nabad loo helo oo maamulkooda ama ha xumaado ama ha samaadee uu u ahaado hal maamul oo aan lahayn mucaarad.
Waxaan cadaana Ruux gooynta shacabka soomaaliyeed in rag rajo dowladeed ku sugayaan
Kuwo kale ruux gooynta iyo rafaadinta umada Raxmad iyo naxariis iyo rasaamaaal aakhiro ku sugayaan. Waa reer ba, ayoow yaa ku leh meeshay soomaalidu ka odhan jirtay.
Waxaan ku soo afjarayaa qoraalkaygan . tixdan gaaban.
Ruuxii aad rubad gooysay
Raaskiisiina ka saartay
Raqdiisiina cuntay
Hadaad raaxo aduunyo
Rajadii madaxeediyo
Rasaamaal ku sugayso
Saw rafaad horleh maaha?
 —————————–
Ruuxii aad rubad gooysay
Rugtiisiina ka saartay
Reerkiisiina dhamaysay
Hadii raxmad eebe
Iyo rasamaalka janaadiyo
Risiq aad ku sugayso
Saw rafaad hor leh maaha
 ————————–
Umadyahay raxanraadka
Iyo rafaadka aduunyo
Rarankeeda ku joogta
Ninba uu raxan raacay
U rixinayso naftiisu
Rabigeena ka yaaboo
Ramadaanka dartiis
Rabshadaha naga jooja
 ———————–
Umadyahay la rogaayee
Rajadeeda dhamaatee
Risiqeeda aduunyo
Rasaastuun ka daydaa
Madaafiicda rig leh
Rabigiina ka yaaboo
Ramadaanka dartiis
Rabshadaha naga jooja
————————
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.