Golaha dhaqanka Beelaha Hawiye oo mar kale ugu baaqay xarakada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam in ay joojiyaan dagaalada.

Halkaan ka akhri

Odayasha Dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa mar kale ku baaqay in la joojiyo Dagaalada iyagoo sheegay inay suurtagal  aheyn damaca AL-Shabaab ee ku aadan in ay qabsadaan magaalada Muqdisho  oo dhan.

Nabadoon Axmed Diiriye  oo ah Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa mar kale ugu baaqay Xarakada Al-Shabaab iyo Xisbiga ee dagaalada ka wada Magaalada Muqdisho in ay xabada joojiyaan isla markaana ay ogolaadaan wadahadal isagoo xusay in xabadda aan xal lagu gaari doonin.

Afhayeenku ayaa ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Shabaab ee ahaa in ay qabsanayaan Madaxtooyada inay wax riyo ah, wuxuuna ku eedeeyay Shabaabku in ay caruurta Soomaaliyeed ku dhameeynayaan Dagaalada ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya, isagoo ku celceliyay in ay haboon tahay in ay qaataan Maslaxada.

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha hawiye ayaa dhowr jeer ku baaqay in la joojiyo dirirta ka oogan gudaha Magaalada Muqdisho, balse kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay dhegaha ka fureeysttay fariinta nabadeed ee odayaasha.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: