Madaxa warfaafinta Ahlu Sunna oo sheegay in ay wadaan qorshe ay Muqdisho iyo gobolada dalka uga sifeynayaan xarakada Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Madaxa warfaafinta Culumaa’udiinka Ahlusuna waljamaaca ayaa sheegay in goor dhow ay magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka sifeynayaan Maleyshiyaadka kooxda  Al-Shabaab.

Sheikh C/llaahi Sh. C/raxmaan Abuu Yuusuf Al Qaadii oo ah Madaxa warfaafinta Culuma’udiinka Ahlusuna waljamaaca wuxuu kaloo Warbaahinta magaalada Muqdisho u sheegay in culumada Ahlu suna ay wadaan  qoorshayaal istiraatiijiyad ah oo ay ku doonayaa inay meesha kaga saarayaan maeleshiyada Xarakada Al-shabab ee dhibaatada ku hayso Shacabka Soomaaliyeed.

Sida uu sheegay Abuu Yuusuf Al Qaadii in ay goor dhow soo gabagabayn doonaan soo afjarida qorshayaashaha dagaaleed ay kula jiraan Xarakada Al-shabab, si ay shacabku uga nastaan tacadiyada iyo cabsi galinta kooxahan.

Dhanka kale Madaxa Warfaafinta Ahlusuna waljamaaca waxa uu sheegay in dagaaladii  dhawaan ka dhacay deegaanka Siigaale ee dagmada Hodan oo u dhexeeyaya Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab iyo culumada Ahlusuna  wuxuuna intaa uu raaciyey in ka bixitaanka Ciidamada Ahlusuna ay ka bexeen deegaankaas ay  ahayd istiraatiijiyad qarsoon hasa ahaatee waxa uu hoosta ka xariiqay in mardhow deegaandaas iyo kuwa kaleba culumadu la wareegi doonaan.

Si kasta ha ahaatee hadalka Ahlu sunna ayaa imaanaya xilli dagaalo culus ay ka dhacayeen maalmihii la soo dhaafay xaafado ka mid ah degmooyinka G/Banaadir, kuwaas oo u dhaxeeyay ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlusuna oo isku dhinac ah iyo Maleeshiyaadka Xarakada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam, dagaaladaas oo ay ku dhinteen in ka badan 120 qof halka dhaawacuna uu kor u dhaafayo 250 oo ay u badnaayeen dad Rayid ah.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: