Ciidamada ilaalada Badda ee wadanka Dänemark oo badbaadiyay Markab laga leeyahay dalka Banama oo marayey gacanka Cadmeed

Halkaan ka akhri

Ciidamada Ilaalada Badda ee Wadanka Denmark ayaa la sheegay ina ka hortageen weerar hubeysan ay kooxo ka tirsan Burcad badeeda Soomaalida ku qaadeen Markab ay leedahay dalka Banama oo marayay Gacanka Cadmeed. 

Sargaal sare oo ka tirsan Ciidamada Ilaada Badda ee Wadanka Denmark ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee ciidamada badda ee wadankaas ioo howlan la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ee biyaha Soomaaliya ayaa bad baadisay Markab lagu magacaabo MV Caribbean oo uu leeyahay dalka Banama.

Warku wuxuu intaa ku daray in Diyaaradan ay Markabkaas u gurmatay, kadib markii kooxo burcad badeed Soomaali ah oo tiradoodu lagu qiyaasay 8 qof ay weerar hubeysan ku qaadeen Markabka, taasoo keentay in Shaqaalaha Markabkaas u qeylo dhaamiyaan Ciidamada badda ee wadanka Denmark oo goobtaas ka ag dhawaa, waxaana islamarkiiba markabka dul tagtay diyaarad Helicopter ah oo laga leeyahay dalka Denmark taasoo ku guuleysatay inay ka hortagto weerarkii kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Hase yeeshee Ciidamada badda ee Denmark waxay gacanta ku soo dhigeen kooxihii burcad badeeda Soomaalida kadib markii ay isku dayeen inay ka baxsadaan, balse markii labaaray la sii daayeen.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa Mudooyinkan dambe soo buux dhaafinayay biyaha gacanka Cadmeed Maraakiibta dagaalka oo  ilaalo xoogan ka haya Maraakiibta kale ee isaga kala goosha gacan biyoodka Cadmeed, waxaan Maraakiibta dagaalka ay marwaliba heegan ugu jiraan sidii ay ula dagaalami lahaayeen buracad badeeda Soomaalida ah.

SomaliSwiss    Cadan

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: