Al-Shabaab oo lacag Dollar ganaax ah duldhigtay Beelaha Shabeelada dhexe, uguna qaybisay sida sharciga Baarlamanka Soomaaliya ee 4.5.

Halkaan ka akhri

Xarakada Al-Shabaab ee ka talisa gobolka Shabeelada dhexe ayaa ku ganaaxday beelaha dega gobolkaas lacag fara badan oo kumanaan kun doollar ah mid walba, kadib markii qabaa’iladaasi ay ka caga jiideen dalab qaaraan Askareed oo lagu qoray laba bilood ka hor June 2010.

Al-Shabaab ayaa bishii lixaad ee ina dhaaftay ku amartay beelaha in qabiil kastaaba uu keeno dhallinyaro si loo tababaro looguna isticmaalo dagaalada haatan socda.

Xarakada Al-Shabaab oo maalmahaan aad ugu baahan deeq lacageed iyo dad u dagaallama ayaa isugu yeertay horjoogayaasha beelaha dega magaalada Jowhar, waxaana lawaydiiyay  in ay diyaariyeen ciidankii laga sugayay laba bilood kahor, hase yeeshee qabaa’illadii halkii dad laga sugayay gacmo maran ayay lasoo laabteen.

Arrinta Beelaha ayaa ka caraysiisay Horjoogayaasha ugu sareeya Al-Shabaab ee u qaabilsan Shabeelada dhexe oo lagu kala magacaabo Sheekh Bukhaar iyo ku xigeenkiisa Faarax Kalar, iyo ninka 3-aad ee u qabilsan tababarida ama wax loo yaqaan Dacwada, waxayna isla markiiba beelaha dul dhigeen, amar cusub oo ah ganaax lacageed in ay beeluhu ku bixiyaan muddo gaaban.

Beelaha oo kulligood lagu ganaaxay lacag doollar ah waxaa lagu wada qoray kumanaan kun oo doollar beeshiiba, iyadoo loo qiimeeyay sidii baarlamaanka Soomaaliya ee 4.5 wax u qaab eg, tusaale ahaan Beelaha ayaa loo qaybiyay beelaha badan iyo kuwa yar yar, waxaana beelaha badan ama waawayn lagu qoray 9.000 USD sagaal kun doollar beeshiiba, halka beelaha yar yarna loo qiimeeyay 3000 USD beeshiiba.

Odayaashii beelaha oo loogu hanjabay ciddii bixin waysa in sharciga lala tiigsan doono ayaa goobtii ka dhaqaaqay iyagoo amakaagsan,waxaana xusud mudan in Qaaraanka nuucaan ah sidoo kale la dul dhigay belaha dega gobolka Shabeelada hoose, oo sidoo kale lagu qoray qaaraan isugu jira lacag, xoolo iyo ciidan.

SomaliSwiss Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: