Xaaladdii ugu dambeysay dagaalada Magaalada Muqdisho iyo meelaha Saaka Salaadda Subax ee Xamar lakala joogay

Halkaan ka akhri

Dagaaladii ka socday magaalada Muqdisho oo shalay galay xaalad adag ayaa ku qorrax dhacsaday iyadoo shalay gelinkii hore xaaladdu u muuqatay mid jahawarer ah oo hadba qolo dhinac loo buuranayo.

Shalay galabtii ayay xarakada Al-Shabaab ku dhowaadeen Hotel Weheliye oo ku yaalla wadada dabka iyo xaafadda Ceel Hindi, iyadoo ay qatar gashay wadada Maka almukarama, hase yeeshe galab gaabkii gurmad Ciidan oo ay dowladda KMG ah ka heshay kuwa nabad ilaalinta ee Amisom ayay u suurta gashay inay dib u riixaan xarakada Shabaab oo ay ku celiyaan goobahoodii hore.

Xalay saqdii dhexe ayaa la arkayay ciidamo tiro badan oo dowladda KMG ah ay kusoo daabulayso wadada dabka iyo Maka Almukarama, taas oo u muuqatay inay difaacanayeen wadada halbowlaha u ah isku socodka KM4 ,madaxtooyada iyo Ayraboorka.

Waxay caawa xilli dambe oo qiyaastii ah 4-tii subax nimo ee waqtiga Muqdisho xaaladdu maraysay meeshii ay shalay subax ku waabariisatay, waxayna taasi ku tusinaysaa in labada kooxood ba dagaalkoodu uu yahay mid aan lahayn jiho loo raaco, marka laga reebo inay kawada midaysan yihiin barakicinta shacabka iyo dhibaatayntooda.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: