Ahlu Sunna Waljameeca oo gacantooda laga bixiyay Masaajidyo ay kulahaayeen magaalada Kismaayo.

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya, in Maamulka Maleeshiyaadka gacanta ku haya magaalada Kismaayo ee taageersan Horjoogaha Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad (Ibraahim Afkhani) ay maanta xoog kula wareegeen qaar ka mid ah masaajyada magaaladaasi kadib markii ay xabsiga u taxaabeen imaamyadii masaajidyadaas oo kasoo jeeday dariiqada ahlu Sunna Waljameeca.

Horjoogaha Waxbarashada ee maamulka Shabaab Cabdinaasir Cabdalla Al-faysal ayaa saxaafadda u sheegay in ay maamulkooda la wareegeen ilaa shan masjid oo ku yaalay gudaha magalada kismaayo.

Masaajida maanta ay la wareegeen maleeshiyada shabaabka ayaa waxaa ay kala yihiin masjidka Xaaji Jaamac, Masjidka Calaymul Kulli, Masjidul Nuur iyo labo masjid oo yar yar oo ku yaalo xafada Calanley, Gacan ku haynta masaajidda ay Shabaabku la wareegeen maanta ayaa waxaa horay u hayay culumo Ahlu Sunna.

Howlgalkaan ay maanta magaalada Kismaayo ka fuliyeen maleeshiyada Al-shabaab ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadleen, waxgaradka jubooyinka iyo culumada, Waxayna qaarkood sheegeen in ay farsamo xumo tahay in qof muslim sheeganayo uu muslim kala uu xooga ugala wareego maamulada masjidyada oo dhaqaale badan lagu bixiyay sidii loo hirgelin lahaa.

Madaxa waxbarasahda Shabaab ee Kismayo Cabdinaasir Cabdalla Al faysal iyo maleeshiyo uu wato ayaa waxaa ay durba ka bilaabeen masaajidii ay la wareegeen qudbado ay ugu yeerayaan dadka wax ay ku sheegeen jihaad ka socda Muqdisho.

SomaliSwiss  Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: