Shir ay isugu yimaadeen Jaaliyadda reer Hiiraan ee wadanka Ingiriiska oo lagu taageeray Maamulka..

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

Shir ay xalay isugu yimaadeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Hiiraan & Midland ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada London ee wadanka Ingiriiska.

Shirkaasi ayaa waxaa isugu yimid dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid gobolada dalka Ingiriiska, halkaasoo gudoomiyaha Jaaliyadda reer Hiiraan & Midland ee wadanka Ingiriiska uu ugu sii diyaariyay Afurkii iyo Cashadii,  waxaana Shirkaasi looga hadlay arimo kala duwan oo ay kamid yihiin, safarka madaxweynaha Hiiraan and Midland iyo wafdigiisa ee kusii jeeda wadanka Kenya.

Gudiga amba bixinta madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa iyaguna ka warbixiyay halka uu marayo safarka madaxweynaha iyo wafdiga kusoo dhoweyn doona magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

IShirkaasi ayaa sidoo kale waxaa khadka Taleefanka lagula hadlay qaar kamid ah Jaaliyadaha reer Hiiraan & Midland ee ku dhaqan wadamada Somalia, Kenya, Holand, Sweden, Switzerland, USA, iyo Canada.

Arimaha looga hadlay Shirka ayaa waxaa kamid ahaa:-

In la amba bixiyo madaxweynaha iyo wafdigiisa.

In laga warbixiyo arimaha Jaaliyadda reer Hiiraan & Midland ee UK.

Sidoo kale waxaa Shirkaasi ka hadlay Eng. Saalax Abdi Ahmed oo isagu dhowaan safar uu ku maqnaa wadamada Canada iyo America ka soo laabtay .

Eng. Saalax Abdi Ahmed waxaa uu kawar bixiyay kulamadii uu lasoo qaatay Jaaliyadaha reer Hiiraan ee wadamadaasi ku dhaqan, iyo warbixinadii uu ka siiyay dowlad goboleedka Hiiraan & Midland.

Ugu dambeyntii shirka ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay in si nigad ah loola shaqeeyo maamulka Hiiraan & Midland, lana amba bixiyo madaxweynaha iyo wafdigiisa.

This slideshow requires JavaScript.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: