Woqooyiga iyo Koonfurta magaalada Muqdisho oo ay ka socdaan dagaalo iyo duqeymo aad u qaraar.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta ka socda Woqooyiga iyo Koonfurta Magaalada Muqdisho Dagaalo iyo duqeymo aad u qaraar, waxayna dagaaladan ay  ka qarxeen qaybo ka mid ah Woqooyiga magaalada Muqdisho, kuwaasoo u dhaxeeya Xarakada Al-Shabaab iyo dowladda KMG ee Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ay sheegayaan in saakay markale dagaalo ay dib ugu qarxeen degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere oo dhamaantood ka wada tirsan gobolka Banaadir islamarkana ay ku dagaalameen ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya, Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Kooxda kasoo horjeeda ee Al Shabaab.

Degmada Hodan ee gobolka Banadir, ayaa saakay waxaa ay dagaalo fool ka fool ah ku dhexmareen ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo kuwa Xarakada Shabaab, waxaana guud ahaan xiran wadada isku xirta isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha, iyadoo guud ahaan uu istaaagay dhaq dhaqaaqa iyo ganacsigii suuqa weyn ee Bakaaraha.

Sidoo kale degmada Boondheer ee gobolka Banaadir ayaa iyana saakay halkaasi ay dib ugu bilaawdeen dagaalo goos goos ah iyo duqeymo ay is weedaarsanayaan Ciidamada dhinacyada iska soo horjeeda.

Dagaaladan iyo duqeymahan shalay, xalay ilaa iyo saaka ka socda Magaalada Muqdisho waxay dhaliyeen dhimasho iyo dhaawac fara badan inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan, waxaana dhaawacyada dadka rayidka ah ku howlan qaadistooda gaadiidka Gurmadka deg dega ah ee Ambalasta.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa sheegay in dad bdani ay ku waxyeeloobeen dagaalkaani, halka dagaalkii shalay galab dhacay oo kaliya ay ku dhinteen dad kor u dhaafa 20 qofood ayna ku dhaawacmeen 80 qofood.

Si kasta ha ahaatee dagaalada soconayo ka sokow, waxaa guud ahaan maanta laga dareemaya wadoonyinka kala duwan ee magaalda Muqdisho dhaqdhaqaaqyo Milatari kuwaasi oo sameynayaan dhinacyada isku haya magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: