WAR DEG DEG AH: Kooxo Hubeysan oo galay gudaha Hotel Muna ee degmada X/weyne iyo Ciidamada Dowladda oo ku hareereysan.

Halkaan ka akhri

Koox hubaysan oo ku labisnaa  dharka ay xirtaan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa la sheegay inay gudaha u geleen hotel Muna ee yaala degmada X/weyne ee Magaalada Muqdisho, waxayna  ku laayeen Xildhibaano ka tirsan dowladda KMG iyo dad kale oo rayid ah oo ku sugnaa Hotelkaas.

Sidoo kale Kooxdan hubaysan ayaa tiradoodu ahayd ilaa sedax qof oo si aad ah u hubeysan, kuna  labisan dareeska Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa Saakay xoog ku soo galay Hoteelka Muna ee degmada X/weyne halkaasi oo ay ku sugnaayeen Xildhibaano ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo dad kale oo ganacsato ah.

Hase yeeshee waxaa la sheegay in Kooxda hubaysan markii ay gudaha u galeen hotelka ay dadkii ku sugnaa rasaas ku fureen, wax yar ka dibna la sheegay in gudaha hoteelka laga maqlay dhawaq aad u culus oo loo maleeya inuu ahaa qarax Bam ah.

Hotelkan ayaa la sheegay inay degganaayeen dhowr Xildhibaanada  iyo dadka kale oo rayid ah, balse lama oga ilaa haatan tiro ku dhimatay Hoteelka,

Warku wuxuu intaa ku darayaa  in markii hoteelka kooxda hubaysan ay galeen ay durbadiiba isku gadaamay ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo rasaas ay is weydaarsadeen kooxdii ku jirtay hoteelka.

Si kasta arrintu ha u dhacdee xildhibaanol ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in hoteelka ay ku jireen Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan Barlamanka, ilaa hadana aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha halkaasi ka dhashay.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: