Shir seddax geesood oo ka dhan ah xarakada Al-Shabaab iyo Xizbul Islaam oo ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Halkaan ka akhri

War uu noo soo diray Wakiilka SomaliSwiss ee magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in Xubno ka tirsanaan jiray hogaamiye kooxeedyadii hore u ahaan jiray dagaal oogayaashii koonfurta Soomaaliya, Wasiiro ka tirsan dowladda iyo xubno kale oo ka mid ah Ururka Ahlusunna Waljameeca ayaa waxay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya uga socda  Shir ka dhan ah Xarakada alshabaab iyo Xizbul Islaam.

Ujeeda Shirkan ayaa ah in sidii duulaamo ka dhan ah dhinacyadaasi ugu qaadi lahaayeen qaar ka mid ah gobolada Koonfurta Soomaaliya oo hadda ku xoogan yihiin Xarakada Alshabaab iyo Xizbul Islaam.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in xubnaha hogaamiye kooxeedyadii hore ee ka qayb galay shirkaasi ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Barre Aadan Shirre Hiiraale oo bari ka talin jiray gobolada Jubooyinka, waxayna sheegeen in ay ka go’an tahay dagaalo ay ku qaadayaan gobolada Jubooyinka, Gedo, Bakool, Bay iyo Hiiraan, laakiin ma aysan sheegin waqtiga ay qaadayaan duulaamadaasi.

Dhanka kale in kastoo ay jiraan kulamadaasi, haddana waxaa jirta is aaminaad dari u dhaxeysa dowladda KMG, Ahlusunna Waljameeca iyo Xubnaha hogaamiye kooxeedyadii hore, wayna adag tahay in dhinacyadaasi ku midoobaan dagaalo ay u dhan yihiin, dagaaladaasi oo ka dhan ah Xarakada Alshabaab iyo xizbul Islaam.

Shirarka Kulamada ka socda ayaa ku soo beegmaya xili Maamulka Ururka Xizbul Islaam Degmada Luuq uu dhawaantan wacad ku mareen in ay dagaalo kula wareegayaan Degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG iyo ahlusunna Waljameeca.

SomaliSwiss      Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: