Maamulka G/Banaadir oo rajo weyn ka qabo in ciidamada Amisom ay wax ka beddelaan amaanka garoonka Muqdisho.

Halkaan ka akhri

C/Salaam Daahir Cabdulle oo maamulka gobolka Banaadir ugu qaabilsan dhicyada Siyaasada iyo arimaha bulshada ayaa ka warbixiyay kulan ay  shalay  la qaateen Madaxda Ciidamada Amisom wuxuuna sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in Amisom ay wax ka bedesho Amaanka garoonka Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka  gobalka Banaadir oo kulan la qaatay madaxda ciidamada nabad ilaalinta Midooga Afrika ee Amisoon ayaa Warbaahinta Muqdisho u sheegay in kulankaas lagu falanqeeyey sidii loo sugi lahaa  amaanka  garoonaka iyo sidii nidaam loogu sameeyn lahaa gawaarida la dhigo hareeraha iyo gudaha Garoonka.

Si kasta ha ahaatee maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa uu ayaamahanba uu waday dalaalo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa gawaarida faraha badan ee isticmaasha guda garoonka diyaaradaha islamarkaana logu sameeyn lahaa nidaam kala haga gawaaridaasi si loo xaqiijiyo Amaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: