Maamulka xarakada Al-Shabaab ee gobalka Shabeelaha Hoose oo xabsiga ka sii daayay nin ka tirsanaa ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Sida uu sheegay mas`uul ka tirsan Maamulka Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ee gobalka Sh/Hoose inay cafis u fidiyeen  nin ka mid ahaa Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Ninkan oo magaciisu la yiraahdo C/Jabaar Kamaal oo maalmihii u dambeeyay ku xirnaa xabsiga ayaa maanta laga sii daayay.

Sida uu qirtay C/Jabaar inuu ka tirsanaan jiray ciidamada Ururka Xisbul Islaam, ka dibna uu ku biiray ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu ka towbad keenay howlihii uu horey ugu jiray.

Dhanka kale waxaa Xarakada Al-Shabaab ay horay cafis u fidiysay oo ka sii daaysay xabsiyada maxaabiis badan tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan.

SomaliSwiss    Marka

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: