Halkaan ka akhri
Waxaa shalay iyo dorraat Garoonka diyaaradaha ee maagalada Muqdisho lagu soo daadiyey dad laga soo Tarxiilay dalka Boqortooyada sacuudiga, waxaana dadkaas ay tiradooda ay gaaraysaa ilaa 400 qof oo laga soo masaafuriyey dalka Sacuudiga labadii maalmood.
Dadka la soo tarxiilay ayaa u badnaa dhallinyaro si tahriib ah ku galay dalka Boqortooyada Sacuudiga oo ay qaarkood sheegeen in ay muddo xabsi ku soo qaateen.
Qaar ka mid ah dadka la soo tarxiilay oo wareysi siiyay   warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay  in  inta ay xabsiga ku jireen ay kala kulmeen dhib iyo rafaad badan, waxayna intaa raaciyeen in lacago ay heysteen laga qaatay.
Wiil  ka mid ah dadkii la soo tarxiilay ayaa Warbaahinta u sheegay inuu aad ugu farxay markii uu ka soo dagay Garoonka, isagoo tilmaamay in wixii ka dambeeyay maanta uusan ka tagi doonin Soomaaliya.
Wiilkan oo u hadlayey qaar ka mid ah Warbaahin Muqdisho ayaa wuxuu yiri: “Qurbo dhibaatadeeda wan soo arkay Soomaaliya meel  iiga roon ma lahan, dadkii soomaalida ee dhibaatada heysay markii ay ka carareen dhibaatada dalkooda, waxaaba uga sii daray dhibaatadii ay dalalka uga  carareen mid kale oo ka sii xun”.
Dadka ka carara dagaalada aan dhamaadka lahayn ee ka socda dalka Soomaaliya ayaa waxay u jehaystaan ee ay afka aadiyaan dalalka sacuudiga iyo Yemen, dadkaas ayaa naftooda ku biimeeya halista aan la ogayn ee uga imaan karta Tahriibka Safarkooda iyo dalalka ay tagaan, waxaana ugu daran marka ay Badaha u dhaxeysa Soomaaliya iyo Yemen marayaan, xilligaas oo dhacda in naftooda ku waayaan doomaha ay saaran yihiin oo la qalibma ama Motoorkii doonta oo ku halaaba Gudaha Badweynta.
Si kasta ha ahaatee musaafurinta dadka laga soo tarxiilaya ayaan aheyn mid dhegaha dadka Soomaalida ah ku cusubeyn, hase ahaatee waxaa muddooyinkii dambe soo badanayay dadka ay soo tarxiileyso Boqortooyada Sacuudiga oo dhawaantan ay Qaramada Midoobay ku eedeeysay dowladda Sacuudiga in aysan badbaadin muhaajiriinta Qaxooti doonka ah ee ka cararaya dagaallada ka soconaya dalka Soomaaliya.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: Dhicisow |
You must be logged in to post a comment.