Halkaan ka akhri
War naga soo gaaray magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ay amaro dhowr qodob ka kooban ay waxaa uu ku soo rogeen deegaanada uu maamulkoodu uu hoos yimaado ee gobalkaasi.
Madaxa arrimaha bulshada maamulka Ahlu Sunna ee degmada Caabudwaaq Sheikh C/wali Xaashi ayaa arrintan uga waramay Warbaahinta , wuxuuna sheegay in amaradan ay gebi ahaan la xiraan goobaha filimaanta lagu daawado, in dumarku is asturaan iyo qodobo la xiriira nabad gelyada.
Sidoo kale Sheikh C/wali Xaashi ayaa wuxuu uga digay bulshada in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dadkii jebiya amarada ka soo baxay Maamulka.
Madaxa arrimaha bulshada Maamulka Ahlu Sunna ee degmada Caabudwaaq Sheikh C/wali Xaashi oo halkiisa sii wata wuxuu sheegay in la soo rogay amaradan ka dib markii mas’uuliyiinta maamulka ay yeesheen kulan ay ku eegayeen xaaladda Maamulkooda iyo sharciyada la doonayaa inay ku dhqmaan Bulshada ku hoos nool Maamulkooda.
SomaliSwiss   Cabudwaaq
Filed under: Dhicisow |
You must be logged in to post a comment.